berberatoday.com
Muqdisho”Dad Ku Dhintay Qarax Loo Adeegsaday Gaadhi Lagu Soo Xidhay Taarikada Somaliland
December 11, 2016 - Written by Berbera Today

taarikadaMuqdisho(Berberatoday.com)-Inta la ogyahay laba Qof baa ku dhintay Qarax loo adeegsaday Gaadhi Walxaha Qarxa lagu soo xidhay oo Maanta gelinkii dambe lagu qarxiyey duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ka dhacay Bar kaantarool ku taalla deegaanka Siinka-dheer oo ah Magaalada Muqdisho laga gelo, waxaana la sheegayaa in Qaraxa Gaadhigan oo Ciidammada Sirdoonka Soomaaliya sheegeen inuu ku xidhnaa Taarikada Baabuurta Somaliland, ayaa waxa ku dhintay Askari ka mid ah Ciidammada NISA ee Soomaaliya, Qofkii Gaadhiga waday, waxaana ku dhaawacmay Hal Askari oo kale.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Cumar Xalane oo Qaraxa ka dib la hadlay Saxaafadda, ayaa yidhi, “Dambiileyaashu mar kale ayay soo qaadeen weeraradooda fulaynimo. Markaan waxay weerareen bar-koontarool oo ku taal Siinka-dheer oo dibadda ka ah Muqdisho.”

Qaraxan oo Maamulka Gobolka Banaadir ku sheegay inuu ahaa Mid Fuleynimo ah, ayaa waxa Masuuliyaddiisa sheegatay Kooxda Al-shabaab ee Dagaalka kula jirta Ciidammada Dawladda Soomaaliya iyo kuwa Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Idaacadda Dawladda Soomaaliya ee Radio Muqdisho, ayaa baahisay Sawirrada Gaadhiga Qarxay oo baaba’ay iyo Taariko laga leeyahay Somaliland oo ay sheegeen inay ku xidhnayd Gaadhiga Qarxay.

received_1765486273773522

Idaacadda oo soo xiganaysa Ciidammada Sirdoonka Soomaaliya, ayaa sheegtay in Gaadhiga Qarxay ay ku xidhnayd Taarikada Gaadiidka Somaliland isla-markaana Lambarkiisu ahaa (34299).

qaraxeee

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews