berberatoday.com
Dawladda Xamar Oo Ka Hadashay Go’aan Sucuudigu Ku Joojiyey Dhoofka Xoolaha Nool Ee Somalida
December 12, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay heshay Warqad ka timid dhinaca Boqortooyada Sucuudiga oo sheegaysa in si ku-meel-gaadh ah ay u joojiyeen dhoofka Xoolaha nool ee Soomaalida, waxaanay dawladda Sucuudigu hakinta Xoolaha Dhulka Soomaalida laga dhoofiyo ee dalkeeda tegi jiray ay ku sababaysay in Xanuun laga helay Xoolo Soomaaliya ka tegay, Xaunkaas oo aanay weli Dhakhaatiir caalami ahi xaqiijinnin waxa uu yahay.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Soomaaliya Siciid Xuseen Cabdi, ayaa sheegay inaanay aamminsanayn in Xoolaha Soomaalida uu xanuun ku dhacay, isla markaana ay haatan bilaabeen baadhis rasmi ah oo ay doonayaan inay ku ogaadaan Xanuunka dawladda Sucuudigu xustay inay jirto iyo inkale.

Siciid Xuseen Ciid Wasiirka Xannaanada Xoolaha Federaalka Soomaaliya oo xalay u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da, waxaana Wasiirka oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey waxay kala socdaan joojinta Xoolaha Soomaalida ee Dawladda Sucuudigu shaacisay, waxaanu yidhi; “Annaga faahfaahin namay siin dawladda Sucuudiga ee Warqadda ay soo dirtay ayuun baa na soo gaadhay. Hadda waxaan ku jirnaa baadhitaan waxyaabaha ay sheegeen oo kollayba qaarkood aannaan xaqiijin karin.”

“Cudurrada waxa jira in Xoolaha la dhoofinayo laga tallaalo, Neefku markaa hadduu tallaalan yahay oo iyaguna ay baadhitaan labaad ku celiyaan, waxa laga helayaa Cudurka maaddaama oo laga tallaalay. Markaa, sida nidaamku yahay Xoolaha cudurka laga tallaalo haddii laga baadho way iska caddahay in laga helayo, markaa caalami ahaan lagama baadho Xoolaha xanuunka laga tallaalo. Markaa, waxyaabo sidaas ah oo farsamo ah ayaa jira, baadhitaankeedu socdo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid.

Wasiir Ciid oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Kollayba Mabnuucidda Xoolaha Soomaalidu waa arrin soo noqnoqota oo dawladaha Khaliijka ayaa joojiya, haddana Sucuudiga ayeynu u jeednaa, ka dawlad ahaan Annaga wada-tashiyo ayaa noo socda, jawaab ayaanannu ka bixin doonnaa dhawaan.”

Mar uu Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inkastoo uu xusay inay baadhitaan bilaabeen haddana inay tuhunsan yihiin Xanuunnada Warqadda Dawladda Sucuudiga ka soo baxday iyo in kale, waxa uu ku dooday inaanay qabin tuhunnadaas, aadna ugu kalsoon yihiin Xoolaha kala duwan ee dhulka Soomaaliya ka dhoofa caafimaadkoodu fiican yahay, balse qaladaad farsamo iman karaan, waxyaabahaasna ay hubinayaan, dawlad ahaanna ay War cad ka soo saari doonaan baadhitaankooda ka dib.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid, waxa uu sheegay inay dawlad ahaan ka welwelsan yihiin xilliga uu go’aankan Sucuudigu ku soo beegmay oo ah xilli ay Dadka Xoolo-dhaqatada Soomaalida ah ay Abaaro hayaan, Xoolaha badankooduna dhinteen, inta hadhay badankooduna awood ahaan liitaan, balse Neefkii iyo labadii Suuqa la geyn lahaa in go’aankan Sucuudigu ku joojiyey Xoolaha Soomaalidu u dhoofin jirtayna saamayn kale oo taban ku yeelanayo.

Qaar ka tirsan Ganacsatada Soomaalida ah ee Xoolaha u dhoofiya dalka Sucuudiga oo ku sugan magaalada Jeddah ee Caasimadda Sucuudiga, ayaa VOA-da la hadlay, isla markaana u faahfaahiyey qoraal ay sheegeen inay soo saartay Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudigu, ku sheegayey in si ku-meel gaadh ah loo hakiyey Xoolihii Soomaalida ee dalkaas tegayey.

Nuux Daahir Camuud oo ku sugan magaalada Jedda kana mid ah Ganacsatada Xoolaha Soomaaliya ka dhoofisa, ayaa sheegay in amarkan ka soo baxay Sucuudiga loo qaybiyey qaar ka mida Ganacsatada Xoolaha dalkaas u dhoofisa, isla markaana amar lagu siiyey in la hakiyo Xoolaha, amarkaas oo lagu sababeeyey arrimo dhinaca Caafimaadka Xoolaha la xidhiidha.

Maaha markii ugu horreysay ee ay Dawladda Sucuudigu sidan oo kale u joojiso dhoofsiga Xoolaha Soomaalida, hase-yeeshee, marar hore oo kala duwan ayey joojisay Xoolaha Soomaalida, oo ay sheegto inay xanuunno ku aragtay, balse markasta marka baadhitaanno badan ka dib la ogaado in Xoolaha Soomaalidu caafimaad qabaan, ayaa dib looga qaaday Xayiraadda.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews