berberatoday.com
Faahfaahin Kasoo Baxday Baabuurro Ciidanka Qaranka Raashin U Sidday Oo Gobolka Buuhoodle Lagu Afduubay
December 12, 2016 - Written by Berbera Today

buuhoodle

Xogo Dheeri Ah Oo Laga Helayo Baabuurradan  Oo Muddo Toddobaad Ku Dhaw u Af-duuban Kooxo Budhcad ah

Hargeysa(Berberatoday.com)-Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya laba baabuur oo nooca xammuulka qaada ah, kuwaas raashin u siday ciidamada qaranka ee ku sugan jiidaha gobollada bariga, isla-markaana kooxo hubaysaniraashini af-duub ugu geysteen deegaanka Tuulo-samokaab ee dhinaca waqooyi ee gobolka Buuhoodle. Wararku waxa ay sheegayaan in kooxaha budhcadda ah oo 4/12/2016-ka baabuurtan af-duubay ay la tageen deegaanka Geed-dheer oo dhinaca galbeed kaga began magaalada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle, halkaas oo ilaa iyo haatan lagu hayo.

Kooxda baabuurtan af-duubatay oo haatan la aqoonsaday, ayaa la sheegayaa inay ku andacoonayaan inuu ka maqan yahay gaadiid muddo haatan laga joogo saddex sanadood lagaga qabsaday dagaallo ay ciidamada qaranku la galeen kooxo qas-wadayaal ah oo deegaannadaas ku sugnaa, waxana ay shuruud ka dhigeen in gaadiidkooda loosoo celiyo si ay usoo daayaan baabuurta ciidamada qaranka u raran ee ay haystaan oo dad shicib ahi leeyiihiin.

Saraakiisha ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan deegaanadaasi ayaa la sheegay inay wada hadal la fureen kooxdan afduubka u gaysatay labadan baabuur ee raashinka u siday ciidamada qaranka isla-markaana ay ka wada hadlayaan sidii loo soo dayn lahaa labadan baabuur oo ay leeyihiin dad shacab ah balse raashin u siday ciidamada qaranka Somaliland.

Lama garan karo sida loogu guulaysan karo wada-hadallada ay ciidamada qaranku la galeen kooxdan budh-cadda ah, balse jira qorshe hoose oo ay ciidamadu ku doonayaan inay xoog kusoo furtaan gaadiidkan, haddii ay waan-waantu guul-darraysato.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews