berberatoday.com
Qarax Ka Dhacey Caasimada Turkiga Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
December 12, 2016 - Written by Berbera Today

Istanbul(Berberatoday.com)-20 askari ayaa ku dhaawacmay, kaddib qarax baabuur oo ka dhacay meel ku dhow garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo ku yaala magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga ayaa xaqiijiyay in qaraxa loo maleynayo inuu ahaa gaadhi saarnaa bam, kaasoo lala eegtay booliska rabshadaha ka hor-taga.

Goob joogayaal ayaa sheegay inay maqleen qaraxa kaddib rasaas, baabuurta ambalaaska oo goobta si deg deg u soo gaadhay iyo baabuurta gaashaaman ee booliska.

Qaraxan ayaa dhacay labo saac kaddib, markii ay dhamaatay ciyaar kubadda cagta ah oo ka dhacday garoonka Vodafone Arena, kaasoo ay ku wada ciyaareen kooxaha Besiktas iyo Bursaspor oo ka mid ah kooxaha ugu waa weyn ee ka dhisan Turkiga.

Warbaahinta Maxaliga ayaa sheegtay in qaraxa uu dhacay, markii taageerayaasha ay ka baxeen garoonka, sidoo kale ma jiro wax taageero oo kooxahaas ka tirsan oo weerarkan wax ka soo gaadhay.

Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay weeraro dhimasho badan sababay oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen kooxaha Kurdiyiinta iyo ISIS, mana jirto cid sheegatay weerarka xalay ka dhacay dalkaas.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews