berberatoday.com
Madaxweynaha Dalka Talyaaniga Oo Codsi Hor Dhigay Wasiirkiisa Arimaha Dibada Iyo Nooca Uu Yahay Codsigaasi.
December 12, 2016 - Written by Berbera Today

Roma(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Talyaaniga Sergio Mattarella Paolo Gentiloni ayaa ka codsaday Wasiirkii Arrimaha Dibada inuu soo dhiso dowlad cusub kadib markii uu toddobaadkii hore iscasilay ra’iisal wasaarihii hore Matteo Renzi.

Mr Gentiloni oo 62 jir ah ayaa ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee ra’iisal wasaarihii ka horeeyay Mr Renzi, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu soo dhiso dowlad cusub.

 

 

Paolo Gentiloni ayaa sheegay in loo baahan dowlad si degdeg ah lagu soo dhiso, iyadoo la filayo in uu golihii wasiiradii dowladii hore uu qaar kamid ah dib u soo magacaabo.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Talyaaniga ayaa inta uusan ku soo biiran siyaasada waxa uu saxafi ka ahaa wargeys ka hadla arrimaha deegaanka, waxana uu noqday xubin ka mid ah baarlamaanka sanadkii 2001.Intii u dhexeysay 2006-08 waxa uu soo noqday wasiirka isgaarsiinta hase yeeshee 2014 ayaa loo magacaabay wasiirka Arrimaha Dibada.

Xisbiyada mucaaradka ayaa diiday in la dhiso dowlad midnimo qaran ayna ku biiraan dowlada waxayna ku goodiyeen inay qaadici doonaan kulanka ugu horeeya ee baarlamaanka kaasoo dhacaya maalinta Arbacada ee soo socota waxayna dalbeen in la qabto doorasho.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews