berberatoday.com
“Siyaasaddii Waxa Dilay WADDANI oo Muniir u Noqday Siyaasi”- W/Q: Weriye Axmed M. Saleebaan
December 12, 2016 - Written by Berbera Today

Inta badan bulshada reer Somaliland, waxay qawadeen siyaasadda xisbiyada mucaaridka ah bilahan u dambeeyay. Waxa dadka candhuuftooda dib uga liqay xiisaha miidaanka siyaasaddu, ay doodooda sal uga dhigeen in aanay ahayn xirfad shuruudo leh oo qofka siyaasi noqonayaa ay tahay inuu buuxiyo aqoon ahaan, waayo-aragnimo iyo bisaylkiisa qofnimo intaba.

Waxaanay markaba kuu soo qadimayaan erey soo noqnoqday oo ah “Siyaasaddii waxaanu nacnay markii Muniir Axmed Cigaalna, inta uu TV-yada soo fadhiistay uu noo sheegtay siyaasi mucaarid ah.”

Waxay noqotay siyaasinimada Muniir Yare, mid u qaadan waa iyo fajiciso ku noqotay bulshada oo si uga biyo diiday. Ka sii darane’ waxase siyaasinimadiisu ay nusqaan ku tahay xisbiga WADDANI ee safka hore ee mucaaridadooda soo dhigay Muniir yare oo uu u noqday xariif cusub oo soo xoojiyay xisbigooda. Muniir Axmed Cigaal waxa uu ka mid yahay dhalinyarada sida xun u fahmay xadaarada iyo ilbaxnimada ee aan aqoon birimageydada iyo xurmada dadku ka mudan yihiin.

axmedWaxa kaloo uu noqday weel wax lagu shubto oo hadba siyaasi qarrad lihi ku qabaanto muraadkiisa. Hase yeeshee, waxa uu caado ka dhigtay inuu cambaareeyo madaxda iyo masuuliyiinta xisbul-xaakimka iyo xukuumadda kaga jira ardaagiisa. Maalmahan dambena waxa uu isu burush ceebeedkiisa dul dhigtay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Somaliland, Md. Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo ka mid ah dhallinyarada sida ilayska qoraxda oo kale uga soo dhex baxay bulshadiisa oo toban sanno ka hor u cugtay inuu noqdo xildhibaan u metala Golihii u horreeyay ee Baarlamaan ee ummaddu gacanteeda ku soo dooratay. Muddadii uu Baarlamaanka ku jiray waxa uu la yimid inuu noqdo xubnaha kaliya ee Mudaneyaasha aqalka wakiiladda ee wax la qabta bulshadii soo dooratay. Isagoo dhammaan degmooyinkii gobolka laga soo doortay ee Togdheer ka fuliyay mashaariic kala duwan oo kor loogu qaadayo adeegyada ijtimaaciga ah sida Saldhigyo Boolis, Dugsiyo iyo xarumo caafimaad.

Intaas ka dib waxa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu bishii October 2015-kii u magacaabay Wasiirka Hawlaha Guud, isagoo muddadaasna noqday Wasiir shaqadiisa ka soo dhalaalay oo ummadiisa u adeegaya.

Haddaba, waxa maalmahan dambe dacaayado raqiis ah la dabo socda Muniir Yare oo xisbiga shaqaaleeyay u xil saarteen inuu u qaabilsanaado dhawr waajibaad oo kala ah:

1-Inuu si xurmada iyo anshaxa ka baxsan u cambaareeyo Wasiirrada iyo madaxda qaranka ee beeshiisa kaga jira xukuumadda iyo KULMIYE.

2- inuu huteelada ku doonto dadka taageersan xukuumadda iyo xisbigeeda ee ka soo jeeda beeshiisa, isagoo billo ka hor la dagaalamay odayaal muxtarim ah oo uu qaarkoodna gacan u qaaday.

Sidoo kalena waxa uu ku shaambadoobay inuu ka dambeeyay weerar loogu gacan qaaday oo nabarro lagu gaadhsiiyay Jaamac Jiir oo ka mid ah dadka inta badan afkaartooda ku qora warbaahinta, taasi oo uu Muniir Muddo Todobaad ka badan u xidhnaa.

Waxa wax lala yaabo ah in markii la soo daayay uu aflagaadeeyay Wasiirka hawlaha Guud oo uu dusha ka saaray inuu xadhigiisa ka dambeeyay, isagoo laga warqabo in xadhigiisu ka dhashay askhato uu ka gudbiyay Muwaadin Jaamac Jiir iyo odayaashiisu, oo u arka muwaadinkaas lagu dilay weerar qorshaysan oo uu qabqable ka ahaa Muniir iyo shakhsiyaad kale oo ay isku hadaf yihiin.

Waxa u habboon inuu ogaado inaanay siyaasaddu ahayn mid is maqiiq iyo aflagaado lagu soo galo, balse ay tahay xirfad iyo xeelad asluub iyo dadnimo u baahan. Iyadoo aanay siyaasaddu ahayn mihnad uu marnaba guul ka gaadhi karo isagu waayo waxaanu lahayn karaamadii iyo waayo-aragnimadii looga baahnaa qofka siyaasadda ku biiraya.

Waxaas ku soo gunaanadayaa tix aan ka soo xigtay gabay uu tiriyay Abwaan Cabdillaahi Dhoodaan, ILLAAHAY ha u naxariistee, oo ay ka mid ahaayeen ‘War duudkaaga ceeb saaran iyo, diilintiyo jaaha, Waxaaba kaaga duug roon adoo meyd dafuufanahe’

 
W/Q: WERIYE AXMED M. SALEEBAAN
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews