berberatoday.com
Soodhaweynta Aqoonyahan Musharax Jamaal Cali Xuseen Oo Siweyn Looga Dareemayo Magaalada Berbera Iyo Nuxurka Uu Safarkiisu Daranyahay
December 12, 2016 - Written by Berbera Today

baabuur-768x576Berbera(Berberatoday.com)-Murashaxii hore ee Xisbigii Burburey Ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo tan iyo markii Muranka Xisbigaasi Dhacey aan Safar ku iman Magaalada Berbera ayaa Siweyn looga Dareemayaa Soodhaweyntiisa Gobolka Saaxil , oo la Filayo iney ku soo beeganto Maalinta Salasada ah ee Todobaankan.

jamaal-iyo-berbera

soodhaweyntan Murashaxii hore ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo Abaabulkeeda siweyn Loogu dareemayo Bulshada qaybaheeda kale duwan, ayaa ku soo beegantay Xili Jawiga Siyaasada Somaliland uu meel xasaasi ah marayo, islamarkaasina la Filayo inuu murashax Jamaal Cali Xuseen iyo Garabkiisu ay Ku Dhawaqaan, Xisbiga ama Meesha uu masiirkiisa Mustaqbalka ka Baadi doonayo.

jamaal-soo-dhaweyne

Tageerayaasha Xisbigaasi UCID uu ku leeyahay Gobolka Saaxil,gaar ahaana garabka Dhalinyarada ee Xisbigaasi Ayaa iyagu ah kuwo siweyn u abaabulaya Soodhaweynta Jamaal Cali Xuseen uu ku Imanayo Gobolka Saaxil, islamarkaasina sameystay Boodhan iyo Calaamado uu ku Dhajisan yahay Sawirka Murashaxii hore ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, sidoo kalena ay ku Xardhan yihiin Hadalo ay kamid yihiin “Jamaal Cali Xuseen Ku Soodhawow Gobolkaaga, Ciyaartu Wali may dhamaanin wali”

baabuur,berbera ,jamaal

Safarka Murashaxii hore ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ee ku aadan  Gobolka Saaxil , ayaa siweyn looga dhur sugayaa ujeedada uu xambaarsan yahay, waxaana dadweynaha ka faalooda Siyaasada Somaliland ay safarka Jamaaal ee Gobolka Saaxil ku macneyeen mid dhoolatus ah iyo Digarogasho iskugu jira, oo uu Murashaxii hore kula soo guryo noqonaya Goobtii ama Xuduntii Tageerayaashiisa  Bud-dhiga u ahayd oo ah Gobolka Saaxil, islamarkaasina uu Jamaal talooyin iyo xogo uu kula wadaagayo Waxgaradka iyo dhalinyarada iyo Haweenka Beesha Gobolka Saaxil,si uu go’aan qaato Xisbiga uu Tageeradiisa ku Biirin lahaa islamarkaasina uu ka baadi dooni lahaa Masiirka Mustaqbalkiisa Siyaasadeed.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews