berberatoday.com
“Madaxweynaha Shir Waan Kula Kulmaa Laakiin Shaqo Kulama Kulmo…. Baligubadle, Ceelal Badan Oo Dalka Laga Qoday Weli Iyada Lagama Qodin”Cabdilaahi Jawaan
December 13, 2016 - Written by Berbera Today

“Cabdillaahi Jawaan oo Wasiir Samsam  ku tilmaamay wasiirad karti badan oo madaale ah, madaxweyne-xigeenkana ka waaniyay inuu ku qoonsado dan umadeed oo uu soo bandhigay”

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Md. Cabdillaahi Cabdi Xaaji Cumar Jawaan, ayaa ka hadlay qaabka uu madaxweyne Siilaanyo wixii tallo ah ugu gudbiyo, isagoo tilmaamay culayska ka jira madaxtooyada, waxaanu soo jeediyay in shaqooyinka loo kala leexiyo wasaaradaha ku shaqada leh si uu madaxweynaha uga dego culayska saarani.

Md. Jawaan oo waraysi gaar ah uu la yeeshay weriye Cabdirisaaq Good oo ka tirsan shabakadda Hadhwanaag News, wuxuu kaloo ka hadlay doorashooyinka, isagoo soo jeediyay in loo gurmado dadka abaaraysan ee reer Somaliland.

Cabdillaahi oo la weydiiyay bal tirada la taliyayaasha madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku jawaabay “Runtii taasi waxay ku wanaagsantahay inaad weydiisaan wasiirka madaxtooyada ama madaxweynaha, tiradana ma hayo laakiin waa dhawr iyo labaatan.”

Cabdillaahi, wuxuu sheegay in la taliyayaashu u badanyihiin dad dalka jooga oo dalka wax u soo qabtay lagana faa’iidaysanayo waayo aragnimadooda siyaasadeed “Qasab maah in xil la wada hayo, waxa muhiim ah wixii danta qaranku ku hagaagayso inaad rayi ka dhiibato hadaad xil hayso iyo haddii kaleba, way jiraan dad dalka tacab u soo galay oo daryeel u baahan, waanay u muuqan kartaa in dadkaas inta tacab la geliyo maskaxdooda iyo waayo aragnimadooda laga faa’iidaysanayo, loona arko ninkii inaan la tuurin ee khibradiisii laga faa’iidasanayo.”

Mar la weydiiyay inuu Madaxweynaha si gaar ah ula kulmo wuxuu yidhi  “Maya, shir waan kula kulmaa laakiin shaqo kulama kulmo, dhaqanka dadkeena waad ogtahay dadka suuqa jooga, kii shicibka ahaa, kii wasiirka ahaa, kii culimada ahaa, kii suldaanka ahaa ,kii wax kale ka cabanayay intiiba waxay isugu soo urureen madaxtooyada, oo uu qof waliba leeyahay madaxweynaha gaadh, xafiiska madaxweyne-xigeenka waxad arkaysaa dhibaatada ka taagan oo dadkii oo wada dhibaataysan ayaa wasiirkii kuyuu ugu jira,. markaas waxa ka muuqata dhibaato ah xagga wasaaradda arrimaha gudaha wixii khuseey inay hawshooda halkaas la tagaan, laakiin wixii waxaad moodaa inay isugu soo urureen xafiiskii wasiirka madaxtooyada, markaas waxa laga yaabaa adoo hawl wada markaad soo gasho inaad aragto kuyuu ood dib uga noqoto meeshii, markaa way jirtaa dhibaatadaasi inay adagtahay in madaxweynaha lala kulmo.”

Waxa Cabdillaahi la weydiiyay qaabka uu madaxweynaha talada ugu gudbiyo waxaanu yidhi “Waxaan ugu gudbiyaa qoraal oo aan ku siiyaa inta badan.”

Cabdillaahi oo la weydiiyay bal inay doorashooyinku qabsoomi karaan iyadoo abaaro dalka ka jiraan wuxuu yidhi “Doorashooyinka xaalkeeda iyadoo abaara ayaa la qaban karaa, laakiin dhibaatadu waxay tahay, waa la qaban karaa dooraho iyadoo abaar ah, jiilaalka ayaa la qabtaa doorashooyinka inta badan, tii lixdankii iyo 1964 waxa la qabtay March, tii 19 69 saas oo kale ayay ahayd oo had iyo goor waxa lagu beegaa bilaha aanu roobku da’ayn, laakiin doorashadeenii way deegaamaysantahay, hore qofku gobal kasta oo uu joogo wuu ka codayn jiray laakiin imika waxa laga dhigay inuu halkii uu ka diiwaanshanaa ka codeeyo, dadku hadday ka haajiraan meesha kama codayn karaan meeshii kale ee ay tageen oo dadkii deegano kala duwan ayay u hayaameen. Markaas ta’ dhibaatada keenaysaa waa taas deegaamaynta oo qofku inuu ka codeyo meesha uu joogo inay suurtogeli weydo haddaanay abaartu jabin.”

Cabdillaahi oo la weydiiyay eed uu u jeediyay madaxwene-xigeenka oo la xidhiidhay mashruuca JPLG oo uu Saylici ku eedeeyay inuu horistaagay, wuxuu yidhi  “Haa, waanigii hore u sheegay laba qodob ayaan ula tagay madaxweynaha. horta waxa nasiib darro ah in ninba gobalkiisa ama degmadiisa ka hadlo, laakiin waa inuu jiraa qorshe qaran oo dadkii si cadaalad ah wax loo gaadhsiyo, Somaliduy waxay tidhaahdaa dheri ninkii u dhow ayaa laf kala baxa.

Baligubadle waxa lagu sheegaa inay tahay hooyadii halganka, laakiin mashaariicda dalka laga hirgelinayo ceelal badan oo dalka laga qoday weli iyada lagama qodin, wadooyinka bulshada ayaa samaysay, laakiin dawladuna waxbay ku dartay. laakiin tabasho badan oo horumarinta ah ayaa jirtay, aniga markaas waxay igu qasabtay inaan ka hadlo, horaan u sheegay oo ambalkaaskii madaxweynuhu amarka ku bixiyay in la geeyo, madaxweyne-xigeenku wuu nala fadhiyay oo wuxuu yidhi JPLG ku dar degmada oo ugu horaysii, wasiirka  maaliyadda Samsam way ku amaanantahay oo waana gabadh madaale ah runtii amaan iyo sharaf ayaan u soo jeedinayaa oo xilkasnimo dheeri ah ayay muujisay, waxaanay taagantahay meel kasta oo wax ka socdaan waxaanay u dhigantaa gabadhii Raysalwasaaraha ka ahayd Ingiriiska ee la odhan jiray Iron lady, amarkii madaxweynaha way fulisay waanay ku amaanantahay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi, “Tii JPLG ee madaxweynuhu madaxweyne-xigeenka ku yidhi fuli, muu fulin, mar dambe oo aan ka hadlayna anigu ceeb maan odhan, waxaanan idhi amarkii madaxweynaha hala fuliyo, xanaaq ayaana ka soo baxay, in la isku xanaaqo maaha, madaxweyne-xigeenka saaxiib ayaanu nahay laakiin dan umadeed markaan ka hadlayo in la igu qoonsado waa khalad.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews