“Madaxweynuhu Biyo Ayuu Noo Diray Ilaa Biyo La Helana Waanu Dhaliilanahay, In Lana Eryo Ayaanu Istaahilnay Ee In Dadka Lanagama Reebo May Ahayn” Cismaan Buuri –
December 13, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirul dawlaha wasaaradda biyaha Somaliland Md. Mahdi Cismaan Buuri, ayaa sheegay inay wasaaradda biyuhu dhaliil leedahay ilaa inta dalka biyo laga helayo ee dadka laga haqab tirayo, waxaanu sheegay inay ahayd in masuuliyiinta wasaaradaas xilka laga qaado.
Mahdi Cismaan Buuri, oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Hargeysa ee hadalka cad, ayaa wuxuu sheegay in wasaaradda biyuhu leedahay masuuliyadda haddii qof reer Somaliland ahi biyo la’aan u geeriyoodo. Mahdi wuxuu hadalkan ka sheegay munaasibad xil wareejin ah oo toddobaadkan xilka loogu kala wareejiyay maareeyaha cusub ee wakaaladda biyaha Hargeysa iyo maareeyihii hore.