berberatoday.com
Maxay Tahay Ujeedadda Laga Leeyahay Xisbiyada Mucaaridka?Qalinkii : Qalinkii Garyaqaan Muxiyadiin Mohamed Abdi
December 13, 2016 - Written by Berbera Today

Dadku Waxay Ka Daaleen Mucaaridad Ka Unkatay Curfi Iyo Nacayb Shaqsi, Nacayb Qabiil, Nacayb Koox, Nacayb Xisbi, Mucaridad Ku Dhisan Xintan/Xifiltan Siyaasadeed, Mucaaridad Ku Dhisan Been Abuur Iyo Buun Buunin, Mucaaridad Aan Xogogaal Ahayn Oo Warka Ka Soo Xigata Afmiishaarka Iyo Majlisyada Fadhi Kudirirka,Mucaaridad Ka Shaqaysa Kala Fogaynta Shacabka, Mucaaridad Dumisa Dalka Oo Qaranimada Wax U Dhimaysa, Mucaaridad U Adeegta Shisheeyaha  Qarankana Halaagaysa, Mucaaridad Aan Mabda’a Lahayn Oo Hadba Xisbi Ka Muuqata, Mucaaridad Ka Bilaabanta Kuna Dhamata Shaashadaha Tvyada Oo Ah Halagu Arko Ama Halagu Maqlo,  Mucaaridad Ku Dhisan Been Aan Daah La Soo Saarin Oo Saxafada Lamariyo,  Mucaaridad Mijo Xaabinaysa Horumarka Dawladu Samaynayso Iyagoo U Arka Inay Dawladu Tageero Ku Helayso , Waxay Dadku Ka Daaleen Mucaarid Habeenkiina Madaxtooyada Galaysa Maalintiina Qaylinaysa, Dadku Waxay Ka Daaleen Mucaaridad Aan Afkeeda Iyo Uurkeedu Wada Socon. Mucaarid La Soo Taagan Muran Iyo Indho Adayg, Mucaaridad Aflagaado Iyo Cay Ku Dhisan, Mucaaridad Ku Dhisan Laab Lakac Iyo Bilaa U Jeedo, Mucaaridad Aan Faa’ido Wadanka U Soo Kordhin Lakiin Ku Mashquulsan Uun Gudaha Dalka, Mucaaridad Ku Shaqaysa Danaha Shakhsiga Ama Gaar Ah

 

Hadaba Maxay Tahay Ujeedadda Laga Leeyahay Xisbiyada Mucaaridka ? Waxaynu U Bahanahay Mucaridad Ku Dhisan Aqoon, Waayo Aragnimo, Dacadnimo, Toosin, Tilmaamid , Taageerid Iyo Difaacida Qaranimada Somaliland, Waxaynu U Bahanay Mucaarid Garanaya Halka Uu Ka Yimid Iyo Halka Uu Ku Socdo, Mucaarid Himilo Fog Leh, Oo Aragti Dheerleh, Mucaarid Isbedel Cusub Haya Oo Dawladu Waxay Ku Liidato  Qabanaya Ama Sheegayayba , Xisbiyada Mucaaridka Hoggaanka Dalka Ugu Sarreeya Laguma Hanan Karo Cay, Aflagaado Iyo Mucaaridnimo Ku Salaysan Xaalad-Abuur, Qof Ama Qabiil Nacayb, Kala Qaybin Bulsho Iyo Ummadda Oo La Iska Horkeeno.

 

Guntii Iyo Gabo-Gabadii, Siyaasiga Ay Caqliga Iyo Aqoontu Lehi Waa U Tudha Danta Ummadda Ee Mudnaanta Iyo Muhimadda Koowaadba Siiya Isku Xidhka , Midnimada , Horumarka Dadka Iyo Dalkaba,

Wa Bilahi Tawfiiq

Qalinkii : Qalinkii Garyaqaan Muxiyadiin Mohamed Abdi

Hargeysa /Somaliland 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews