berberatoday.com
Wasiirka Caddaaladda Oo Soo Dhaweeyey Shirkaddo Caalami Ah Oo Dhambaal Mahadnaq U Sida Somaliland + Sawiro
December 14, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Jamhuuriyadda

 Somaliland Md. Axmed Faarax Caddare, ayaa soo dhaweeyey masuuliyiin ka socda shirkaddo ka shaqeeya caysmiska maraakiibta iyo adeegyada dekedaha oo Yurub iyo Maraykan laga leeyahay, kuwaasoo u socday in ay Somaliland uga mahadnaqaan sida ay uga hawlgashay xalinta kiis ka dhacay Berbera oo ku saabsanaa nin Romaaniyaan (Romanian) ah oo ka mid ahaa hawlwadeenadooda oo ku geeriyooday badhtankii 2014 Markab ganacsi oo Dekeda Berbera yaalay -kii.

Image may contain: 2 people, people standing and suit

 Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadare oo masuuliyiintan ku soo dhaweeyey madaarka Hargeysa shalay, isla markaana xafiiskiisa ku qaabilay, ayaa sheegay in waqtigii uu ahaa Wasiir-ku-xigeenka Ammaanka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha uu ka hawlgalay ninkan oo muddo bilo ah maydkiisu ku jiray talaajadaha maydka lagu kaydka ee Berbera, kaasoo si caadi u dhintay.

Image may contain: 2 people, people standing, suit, wedding and outdoor

Md. Axmed Faarax Cadare waxa uu sheegay in ninkan dhukumantigiisa iyo basaabooro uu laha Suudaan si khalad ah loogu diray, balse Masuuliyiinta Somaliland ka shaqaysay sidii maydka dalkiisa loogu celin lahaa, lana xidhiidhay masuuliyiinta shirkaddii uu u shaqaynaayey kiiskiisana Bahda Caddaaladda iyo Ammaanka Somaliland si fiican uga wada shaqeeyeen.

Image may contain: 2 people, people sitting, suit and indoor

“Waqtigii aan Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Gudaha ahaa anigoo Shaqo u jooga Lawya-caddo ayaa la ii sheegay in nin ajenebi ah maydkiisu Berbera in muddo ah yaalay. Naxdin bay igu noqotay oo maan filanayn in Berbera yalaan Talaagado, aniguu masuulka ahaa bay mucjiso igu noqotay. Waxaan la xidhiidhay Berbera, waxaana la iigu bushaareeyey in talaajado ilaa lix mayd qaadi kara yalaan. Waa arrin qaranka Somaliland guul u ah. Waanannu nimi oo soo hubinay kiiskaas.

Image may contain: 2 people, people standing, suit and outdoor

Marka u horraysa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland baa mahadaas iska leh oo shaqo caadi ah uun baannu qabanaynay, ismanaannu lahayn abaal celin intaas leeg iyo mahadnaq bay arrintaas keeni doonta oo ka yimaada shirkadihii caymiska maraakiibta, gaar ahaan shirkaddo waaweyn ee Maraykanka iyo Yurub ka shaqeeya. In ay madaxdooda soo diraan oo ay soo duulaan, kadibna dalka mahadnaq u yimadaan waa wax weyn,” ayuu yidhi Wasiirka Caddaaladdu.

Image may contain: 3 people, people standing

Md. Axmed Faarax Caddare waxa uu sheegay in dhammaan baadhitaannadii loo baahnaa ee qaybta dhakhaatiirta, ammaanka iyo Xeer-ilaalintaba lagu dhameeyey, waxaannu yidhi; “Saddeex maalmood ayaa dhakhaatiirta gobolka iyo Xeer-ilaalintuba waxay soo bandhigeen waraaqihii oo ay dhammaystireen, haseyeeshee waxa lumay baasaboorkii iyo dhukumantiyadii, kadib mudda la sugaayey dadkiisii, waxaana Ilaahay noo fududeeyey in arrinkaas ku guulaysano oo waxay keentay in loo mahadnaqo Madaxweynaha Somaliland iyo dawladdaba sida wanaagsan ee looga shaqeeyey.

Image may contain: one or more people, people standing, suit and outdoor

Mr. Phillip Garo oo ah Agaasimaha shirkadda MCLeans, balse ka socday shirkadaha ka shaqaysa caymiska maraakiibta oo la yidhaa Navigators P & T, waxa uu sheegay in dawladda Faransiiska iyo masuuliyiinta shirkadahan ka masuulka ah ay u mahadnaqayaan Jamhuuriyadda Somaliland sida ay uga shaqaysay kiiskaas, haddana ay dhinaca caymiska maraakiibta iyo adeegyada badda maalgashi ku samaysan doonaan.

”Aad baan ugu faraxsanahay inaan halkan imaado, Berberana iskaashi la yeelano, waxaanan xukuumadd Somaliland iyo masuuliyiinteedaba uga mahadnaqaynaa caawimada kiiskaas oo aad ammaan ku mutaysateen, soona hooyey in aan maanta halkan nimaadno,” ayuu yidhi Philip.

Maxamed Abdi Cigeh oo ka socday shirkad Horn Shipping Company oo dalka Jabbuuti laga leeyahay, shirkadahana xidhiidh la leh, ayaa sheegay in Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Caddaaladda, hay’adhaa ammaanka iyo Madaxweynaha looga mahadnaqaayo sida wanaagsan ee kiiskaas ugala shaqeeyeen in la xaliyo.

Waxa kale oo uu xusay in Arrintaas ay keentay in shirkado badan oo Yurub iyo Maraykanba ka shaqeeya oo dhinaca badaha iyo maraakibta ganacsiga ah ay u soo jeesteen dekeda Berbera sidii ay uga hawlgeli lahaayeen, maadaama Somaliland muujisay adeeg caddaaladeed iyo ammaan wanaag ay dunida ammaan kaga mudatay.

“Waxa ay tegi doonaan Berbera oo ay soo indho idhayn doonaan , waxaanan rajaynayaa in reer Berbera soo dhawayn doonaan,” ayuu Mr. Cigeh.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews