Dawlada Iran Oo Ku Hanjabtey In Ay Sameyn Doonto Maraakiib Ku Shaqeysa Tiknoolajiyada Nukliyeerka Iyo Sababta
December 14, 2016 - Written by Berbera Today
Iran(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Iran Xasan Rouhani ayaa ku amray masuuliyiintiisa in la sameeyo maraakiiib ku shaqaysa nukliyeer, isagoo ku eedeeyay Maraykanka inay jabiyeen heshiiskii nukliyeerka ee sanadkii hore.

Hogaamiyayaasha waddamada ugu awooda badan ayaa ku heshiiyay in cunaqabataynta laga qaado, kadib markii heshiis laga gaadhay barnaamijka nukliyeerka ee Iran.
Laakiin Kongareska Maraykanka ayaa dhawaan u codeeyay in cunaqabataynta Maraykanka ee saaran Iran waqtiga loo dheereeyo.