Madaxweyne Siilanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wasiirka Arimaha Gudaha Dalka Jabuuti Oo Safar Ku Yimi Somaliland+Daawo Sawirada
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dawladda Jabuuti oo martiqaad rasmi ah ka helay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Safiirka dhawaan loo magacaabay Jabuuti in uu u fadhiyo Somaliland, Amb. Cabdifataax Siciid Axmed.