berberatoday.com
USA : Amaanka Dalka Oo La Adkeeyey Iyo Madaxweyne Donald Trump Oo Magacaabey Shaqasi Ay Xidhiidh Dhaw Leeyihiin Madaxweynaha Ruushka Iyo Nooca Uu Yahay Xilkaasi
December 14, 2016 - Written by Berbera Today

USA(BErberatoday.com)-Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa xaqiijiyay in madaxa Exxon Mobil, Rex Tillerson, uu u magacaabay in uu noqon doono xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Mr Trump ayaa ammaanay Mr Tillerson, oo 64 sano jir , wuxuuna ku tilmaamay inuu ka mid yahay “hogaamiyayaasha ganacsiga ee sameeyay heshiisyada caalamiga ee guusha gaadhay”

 

 

Mr Tillerson ayaa la sheegayaa inuu xidhiidh fiican la leeyahay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, iyadoo taasi walwal galinaysa xisbiga Dimoqraadiga iyo qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga.

Magacaabida Mr Tillerson ayaa u baahan inuu Senate-ku ansixiyo.

Maalmo ka hor ayaa waxaa soo baxay in sirdoonka Maraykanka ay aaminsan yihiin in Ruushka uu caawiyay doorashada Trump, iyadoo lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen kombutaro la jabsaday.

Sirdoonka USA: ‘Ruushkaa faragelin sameeyay si uu u sare ugu qaado Trump’

Muran soo kala dhex galay Trump iyo saraakiil sarsare

Trump: Putin ayaa ka hoggaan fiican Obama

Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa ah diblomaasiga ugu sareeya, ee masuulka ka ah in la hirgaliyo siyaasadaha arrimaha dibadda ee dowladda.

” Shaqada Rex Tillerson ayaa astaan u ah riyada Maraykanka”, ayuu sheegay Mr Trump.

” Tayada adkaysigiisa, qibradiisa iyo fahamka siyaasada arrimaha dibadda ayaa ka dhigaysa qofka ugu fiican ee loo doorto xoghayaha arrimaha dibadda”.

Mr Tillerson ayaa sheegay in magacaabida ay u tahay sharaf, isagoo sheegay inuu la wadaago Mr Trump aragtidiisa in la soo celiyo aaminaadii xidhiidhka arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo in la adkeeyo ammaanka waddanka”.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews