WAJAALE: Booliiska Oo Helay Hooyo Inta La Diley Meydkeeda La Qariyey
December 14, 2016 - Written by Berbera Today
Wajaale(Berberaday.com)-Alle ha u naxariistee waxa Maanta la helay Meydka Gabadh Magaceeda lagu sheegay Raxma Aw Aadan, taasi oo Shantii Maalmood ee u dambeeyay la raadinayey.
Meydka Gabadhan oo laga helay Kuus Caleenta Xooluhu Cunaan lagu dhex qariyey, ayaan illaa hadda la garanayn Cidda dishay isla-markaana Meydkeeda qarisay, wallow Booliisku sheegay in loo hayo Hal Nin oo ku eedeysan dilkeeda.
Falkan oo ka dhacay Deegaanka Idhanka Jufada oo hoos taga degmada Tog-wajaale ee Gobolka Gebilay, ayaa markii Booliisku Meydkeeda heleen waxa Saxaafadda la hadlay Taliyaha qaybta Booliiska ee Gobolka Gabiley, waxaanu sheegay in Gabadha la raadinayey muddo Toddobaad ku dhow.