berberatoday.com
Xukuumada Somaliland Oo Shaacisay Wakhtiga Ay Bilaabmayaan Wada Hadalkii Ay La Furaayeen Maamulka Khaatumo
December 14, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay Shirka Somaliland iyo khatumo, ee ka dhacaayey Magaalada Adisababa, waxaanu sheegay in Shirkani uu si rasmiya u furmo doono Todobaadka dambe.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay safar uu ku tagay Imaraadka, dhoofka xoolaha ee uu Sucuudigu joojiyey, qiimaha Sarifka Doolarka ee sare u kacay, abaaraha, iyo qodobo kale, waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlaya safarka uu ku tagay Imaraadka

 

 

“Socdaal maalmo qaatay ayaan ku tagay Imaraadka, gaar ahaan Dubau, waxaanu socdaalkani daba socday oo qayb ka ahaa socdaaladii hore aanu ugu tagay halkaas, ee ahaa hawsha Dekadda Berbera, Madaxda Shirkadda DP World, ayaanu is aragnay, oo kulamo yeelanay, waxaana ka wada hadalnay Dekadda iyo hawlaheeda, is afgarad ayaanu kulamadaasi ku dhamaadeen”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinay halka uu ku dambeeyey Shirkii ka dhacaayey Adisababa ee Somaliland iyo Khatumo wuxuu ku jawaabay “Shirkaas qaban-qaabadaasi wey socota, hawshaasna waa lagu jiraa, haddii ILLAAHAY yidhaahdana wuxuu dhici doonaa todobaadka soo socda, waxaana ku rajo weynahay in Shirkaasi ku dhammaado is af garad iyo is fahan wanaagsan”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mar aanu wax ka weydiinaya joojinta dhoofka Xoolaha ee Sucuudiga ayaa yidhi

“Madaxweynuhu waa kii Shir deg deg ah oo arinkan lagaga arinsanay qabtay, oo waa kii iskugu yeedhay masuuliyiinta Maxjarada, waxa xanuun laga helay Lo’da, dabcan Xoolaheena mar walba caafimaadkooda waa la hubiyaa, balse Sucuudigu waxa uu ku xisaabtamaya Xoolaha Soomaalida, oo waxa uu leeyahay Xoolihii Soomaalida ayaan ka helay Xanuun, laakiin waxaan Sucuudiga oo ah Wadan aanu daris nahay, oo aanu jaar nahay, oo ah Wadan Islaam ah oo walibana xarunta Diinta Islaamku ka dhisan tahay,waxaan leeyahay Xoolaha Somaliland waa la hubaa, ee madaama aanu nahay Wadan curdin ah oo aan wali Aqoonsi Caalamka ka helin oo waliba maanta abaari dalkayga ka jirto go’aanka aad ku joojiseen dhoofka Xoolaha ka noqdo, oo waliba waad hubin kartaan caafimaadka Xoolahayga ee fadlan go’aankaas ka noqda”.

 

Wasiirka Arrimaha Dibaddu mar uu ka hadlaayey qiimaha sarifka lacagta Doolar ee sare u kacay, Sicir-bararka iyo Abaaraha dalka ka taagan ayaa yidhi

“Waxa muhiim inoo ah inay u qorshe iyo aragti fog ka yeelano abaaraha soo noq noqonaya, inta badan waxaynu sugnaa raashin iyo alaabo inooga yimaada Dibaddaha oo dad iyo dalal inala mid ahi ay sameeysteen, ama ay beerteen, waxa inoo haboon inaynu ku dadaalno sidii aynu u sameeysan lahayn qorshayaal fog oo aynu kaga maarmi karno waxyaabahaas dibaddaha inooga imanaya, waxaana xaqiiqo ah in haddii aynu isku dayno inaynu inagu dhulkeena wax ka soo saarano oo beeraheena beerano inaynu ka maarmi lahayn waxaas dibadda inooga imanaya, waxaana dhab ah haddii aynu qorshahaas ku dhaqaaqno inaynu xitta xal u helno abaaraha soo noq noqda.

Sicir-barar uu jira, qiimihii sarifkana dabcan sare ayuu u kacay oo xoolahan la joojiyeyna waa ka qayb, laakiin inaynu isku naxariisano, oo dadkeena u naxariisano oo aynu is caawino, xal wanaagsan iyo iskaashina ka yeelano ayaa muhiim ah”.

 

 

 

Source:- Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews