berberatoday.com
DAARA-SALAAM: Wasiirka Maaliyadda Oo Ka Hadashay Ahmiyadda Ceel-Biyood Laga Hirgeliyey Deegaanka Ilinta-dhexe Oo Ay Xadhigga Ka Jartay
December 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa Shalay Safar ku tagtay deegaanka Ilinta-dhexe oo ka tirsan degmada Daara-salaam ee Waqooyiga Magaalada Hargeysa, halkaasi oo Muddo 7 Maalmood ah Ceel laga qodayey lagaga soo saaray biyo Macaan.

Wasiir Samsam oo hadal ka jeedisay furitaankii Ceelkaasi oo loogu talo-galay Dadka ku dhaqan deegaanka Ilinta-dhexe oo qiyaastii 43KM dhanka Waqooyi kaga beegan Hargeysa, ayaa tidhi, “Ugu horayn Ilaahay ayeynu u mahadnaqaynaa, Ilaaha meeshaas aad arkaysaan inaga siiyey biyaha macaan ee aynu ku gaadhnay mudada kooban, markii ay abaartu hore  dhacday waynagii ogayn oo deegaankani waxa uu ka mid yahay meelihii aanu soo marnay ee aanu cawska iyo biyaha keenay oo xaalad adag ayaa ka dhacda marka abaari dhacdo. Waxa aynu u mahadnaqaynaa sidoo kale shirkaddan Durdur oo iyadu dhawr maalmood kusoo saaray biyo macaan. Run ahaantii waxaanu uga mahadnaqaynaa in iyagoon lacag na waydiinin oo aan gorgortamin inay ceelal ka qodeen meelo badan oo biyo la’aani ka jirtay, waxaanan shirkadaasi leeyahay Ilaahay ha idinka jasaa’i siiyo oo ha idiin barakeeyo shirkadiina.”

Wasiirku waxa kale oo ay sheegtay in Qorshaha Xukuumadda Siilaanyo uu yahay in Meelaha biyo la’aantu ka jirto laga qodo Ceelal, “Qorshaha Xukuumadda uu Madaxwayne Siilaanyo hoggaaminayo ayey qayb ka tahay in biyo loo soo saaro dadka reer Somaliland ee biyo la’aantu ku habsatay, iyadoo uu Madaxwaynuhuna nagu amray inaanu wixii karaankeena ah Xukuumad ahaan inaanu biyo iyo wixii loo helo karo-ba loo raadiyo Muwaadiniinta dalka, waxa kaliya ee lagu oon bixi kara ama mushkiladan lagaga bixi karaana waa Raxmadda Alle.”ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay oo ay la dardaarantay  Dadka ku dhaqan deegaanka Ceelka laga hirgeliyey, “Dadka deegaanka waxaan ku dardaarayaa inay ilaashadaan Ceelkaasi oo ay biyaha sadaqo ka bixiyaan, sababta oo ah wax kasta oo sanadaqo laga bixiyaa wuu barakoobaa”.

Guddoomiyaha tuulada Ilinta-dhexe Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciise oo isuguna halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Ugu horayn waxa aanu halkan uga mahadnaqaynaa Ilaahay, marka ku xiga Madaxwayne Siilaanyo iyo Wasiiraddiisa Maaliyadda. Run ahaantii Xukuumadani talada haysaa waa mid u diyaarsan inay wax la qabato dhamaan bulshadda Somaliland, waxaanay heegan ugu jiraan sidii ay gacan uga gaysan lahaayeen xaalad kasta. Wasiir Samsam iyadu way ka tilmaaman tahay wasiiradda kale oo inta jeer ay deegaanka kusoo noqnoqtay waynu ogayn. Sidoo waxaan aaminsanahay inay tahay masuulka meel kasta oo xaalad adag laga soo sheego ugu hor-tagta, markii ay Wasiirka waxbarashada ahayd iyo imikaba bulshada si isku mid ah ayey ugu naxariisataa oo ay wax ugu qabataa.”

Sheekh Rooble oo ka mid ah culimada deegaankaas, ayaan isaguna sheegay, “Ugu horayn Ilaahay SWT ayaanu u mahadnaqaynaa mar labaadka waxaanu u mahadnaqaynaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Siilaanyo iyo wasiir Samsam oo aanu leenahay Ilaahay ha idinka jasaa’i siiyo waxqabadkaa muuqda ee aad umadiina u qabateen, run ahaantiina ceelkan laga qoday deegaanka Ilinta Dhexe waxa aan aamisanahay inuu waxbadan ka tari doono culayskii biyo la’aaneed ee deegaankan balaadhan ka taagnaa..” ayuu yidhi.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews