berberatoday.com
Daawo Oo Dib-U-Milicso Hadalladii Adkaa Ee Madaxwayne Marxuum CIGAAL Hawada U Mariyey Xiligii Sucuudiga Iyo Dawladaha Kale Ee Carabtu Joojiyeen Xoolaha Soomaalida
December 15, 2016 - Written by Berbera Today

“Ha nagu kalifina inaanu idin ka tashano, idinma naqaano, idinma ogin, idiinma ictiraafsanin inaad Diintayada ka tihiin masuul, ee waxaan idiin naqaanaa kuwo nagu Kibraya..” Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Sucuudiga, ayaa Toddobaadkii hore ku dhawaaqday inay si ku meel-gaadh ah u joojisay Xoolaha Soomaalida ee loo iib-geyn jiray.

Dhawaaqa Dawladda Sucuudiga oo ku soo beegmay Xilli inta badan Dhulka Soomaalida oo Somaliland ka mid tahay ay ka taagan tahay Xaalad adag oo ay sababtay Abaarta baahsan ee ka jirta, ayaa Dadweynaha reer Somaliland iyo guud ahaan Soomaalidu aad uga naxeen joojinta iibka Xoolaha ee Sucuudigu ku dhawaaqay, maaddaama oo Xooluhu yihiin isha koowaad ee Nolosha Soomaalidu ku tiirsan tahay.

Dawladda Sucuudigu waxay Go’aanka joojinta iibka Xoolaha Soomaalida u cuskatay in Xoolaha Soomaalidu qabaan Xanuun, wallow aanay caddeynin nooca Xanuunkaasi yahay.

Haddaba, maaddaama oo aanay ahayn markii koowaad ee Dawladda Sucuudigu joojiso iibsashada Xoolaha Soomaalida, waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa isla-markaana ay dib u Milicsanaynaa hadalladii adkaa ee Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal hawada u mariyey boqortooyada Sucuudiga wakhtigii hore ee ay Xoolaha sidan oo kale u joojiyeen.

Marxuum Cigaal oo Shacabka reer Somaliland kala hadlayey Fagaaraha Khayriyada ee Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo muujinaya sida ay Dawlad ahaan uga xun yihiin in Sucuudigu joojiyo Xoolaha Soomaalida wuxuu sheegay in Sucuudigu uu Xoolaha u joojiyey Cadaawad.

Marxuum Cigaal wuxuu khudbaddiisa ku yidhi wakhtigaasi, “Dadkani (Somaliland) waa Dad muslim ah, Ilaahay iyo Nebigiisa ayay garanayaan, meeshay u socdaan way garanayaan, na haysan maysaan oo caalamka islaamka ayaanu ka mid nahay, Cadaawad (Awgeed) ayay Risiqii Ilaahay noo qoray nooga xaasidayaan, Xoolahayagii iibsan waaye, Waliba sidaasi ayaanu islaanimo ugu dul qaadanaynaa”

Marxuum Cigaal oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi, “Ha nagu kalifina inaanu idin ka tashano, idinma naqaano, idinma ogin, idiinma ictiraafsanin inaad Diintayada ka tihiin masuul. Waxaan idiin naqaanaa kuwo nagu Kibraya”

Hasa-yeeshee, Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaan joojinta Xoolaha ee Sucuudiga oo ku soo beegantay Xilligan ay Xillalka hayaan, aan ka hadal Go’aanka Sucuudiga oo wiiqeya Dhaqaalaha Ummadaha ay hoggaamiyaan, balse taa beddelkeeda waxa Madaxweyne Siilaanyo iskugu yeedhay Ganacsatada Xoolaha la joojiyey dhoofin jiray si ay uga wada-tashadaan tallaabada la qaadayo, halka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh-na uu amray in la baadho Caafimaadka Xoolo uu Markab dib uga soo celiyey Sucuudiga oo ku xidhay Dekedda Magaalada Muqdisho.

https://youtu.be/KyHTRuNUbXs

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews