berberatoday.com
Hooyo U Dhaxday Askari Ciidanka Qaranka Ah Oo Sicir Bararka Dartii Ku Hanjabtay Inay Ubadkeeda Gaynayso Madaxtooyada
December 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Iyadoo sicir barar adagi ka bilaabmay Somaliland, ayaa wuxuu saamayn ku yeeshay quutal daruuriga bulshada reer Somaliland ee danyarta u badan, kuwaas oo uu saameeyay mushaharkoodii. Halka dollar ayaa maraya 8000 oo shillinka Somaliland ah, iyadoo uu suuqyada qaarna kaba sareeyo. Waa markii u horaysay taariikhda Somaliland ee uu heerkan gaadho sicir bararku.

 

Sicir bararka, ayaa wuxuu sababay inay qiime sare gaadho maceeshada quutal daruurigu, waxaana isa soo taraysa dhawaaqyada naxdinta leh ee ka soo baxaya qoysaska reer Somaliland.

Mid ka mid ah hooyooyinka reer Hargeysa oo u dhaxday askari ka tirsan ciidanka qaranka, ayaa shalay saxaafadda kula hadashay badhtamaha suuqa Hargeysa, waxaanay ku hanjabtay inay carruurteeda ku shubi doonto madaxtooyada, iyadoo ka cabatay mushaharkii ay dawladu siin jirtay oo uu qiime tiray sicir bararku.  “Xaas askari ayaan ahay oo lix arday ayaa iskuulka ii dhigta  waa [mushaharku]  lix boqol oo kun, lixdii boqol ee kun guri kiro ah ayaan gala oo dawladii guri iimay dhisin, meelna imay gelin, ninkaygii furinta ayuu joogaa oo xabad ayuu laabta u dhigay.” ayay tidhi hooyadani, waxaanay intaas raacisay “Toddobaadii caruur ahaa ayaa la igu soo eryay markii la yidhi mushaharkii wuxuu noqday dollar. Xageen geeyaa. Balan waxaan ku qaadya inaan toddobada caruuraba guriga madaxweynaha geeyaa.”

Xukuumadda Somaliland ayaan weli qaadin talaabooyin ad-adag oo ay kaga hortagayso inuu sare u sii socdo sicir bararku.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews