|
berberatoday.com
“Horta Anigu Maanta Waxaan Kala Dooranayaa Laba Xisbi Xaakim. Waxa Weeyaan Laba Xisbi Xaakim Oo Midna Dawladii Haysto Midna Baarlamankii Haysto”Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen
December 15, 2016 - Written by Berbera TodayDad Badanbaa Waxay odhan Doonaan Jamaal Xisbiga Kulmiye Waa Meeshii Laga Soo Qaniinayee Muxuu u Taageeray? Hortu Waxaan Idiin Sheegayaa Waxyaabaha Aan Ku Bartay Siyaasada Somaliland Waxa Ka Mid ah in Mararka qaar Godkii Lagaa Qaniinay in aad Qudhiisa Degto, Godka Lagaa Qaniinayo Gudhiisa in aad Degto ayaan Bartay. Haddii Qof Muslim ah aad Siyaasad isku Khilaaftaan oo ama Sidiisaba isku Khilaaftaan oo intuu Kuu Yimaado ku Raali geliyo Isagoo kuu qirsan in uu gef kugu sameeyey In aad Cafiso Muslinimada iyo Islaamka ayey ku Jirtaa Ilaahaybaa quraankiisa ku yidhi ” QOFKA CAFIYA QOF XUMEEYEY AJARKIISU XAGA ILAAHAY AYUU YAALA” Waad ogtihiin qisadii Nabi Yuusuf CS Markay walaaladii ceelka ku rideen ee markii dambe u yimaadeen waa kii yidhi maanta canaani ma jirto inkastood tihiin walaaladay oo aad god igu rideen haddana maanta waan idin saamaxay. Waxaad Ogtihiin Nelson Mandela oo 23 Sano Jeel ku jiray Kuwii ku riday jeelka ayuu cafiyey oo xilal ku taxay. Waxaad ogtihiin Siyaasada Somaliland Dr Gaboose iyo Ciro cid iskaga colaad xumi may jirin haddana markii dambe gaboose ciro ayuu taageeray, Sidoo kale Siyaasada somaliland Saleebaan Gaal iyo Madaxweyne Siilaanyo cid iskaga xumayd may jirin haddana markii dambe waa tii Saleebaan iyo Siilaanyo Gar-adag lagu heshiisiiyey ee uu Saleebaan Siilaanyo Ku dhisay. Haddii qof walba uu yidhaahdo qofka kale ayaan ka goosanayaa in kastoo weliba qofka kale ku yidhaahdo iga raali ahaw oo uu ku yidhi i cafi waxay keenaysaa taasi in dadka oo dhami is cafinin dalkuna uu inaga xumaado, Qofka Hogaamiyaha ahna waxa lagu gartaa qaladaadka lagu sameeyo uu liqo isagoo eegaya danta guud iyo danta umada Somaliland halka ay ku jirto. Aniga waxa ii hawl yarayd in aan toos ugu biiro xisbiga Wadani oo aan aargoosto mid ii banaan ayey ahayd dadka badankooguna sidaas ayey iigu baaqayeen Hortu anigu maanta waxaan kala dooranayaa Laba Xisbi Xaakim. Anigu markii aan eegay Labada Hogaamiye sida ay iiso kala booqdeen siday iila hadleen siday ii wajaheen anigu waxaan arkay Muuse in uu runtii aad u doonayo in dalka lala dhiso in la caawiyo in la garab galo anigu waxaan go,aansaday in aan Muuse Dhiso.
Aqoonyahan Jamal Ali Hussein, Guul Inshalah. COMMENTS
|
||||
|