berberatoday.com
” Kulmiye Wuu Fulin Waayey Qodobadii Ay Beesha Habar Cafaan Hor Dhigtay “… Proff Geedoole Wasiirkii Hore Ee Waxbarashada Somaliland
December 15, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Beeraha Prof: Faarax Cilmi Geedoole, haddana ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa ka hadlay socdaalka hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye ku tagay Magaalada Boorama, waxaanu sheegay in ujeedada socdaalkani ahaa inay si gaar ah ula kulmeen Beesha Habar Carfaan oo ka mid ah Beelaha dega Gobolka Awdal, balse waxa uu tilmaamay in Xisbiga Kulmiye aanu fulin ama aanu u balan qaadin lix qodob oo Beeshu u soo gudbisay, shuruudna uga dhigtay, waxaanu sheegay in Beeshani aanay u xidhayn Xisbi gaar ah ee ay Saddexda Xisbi ku jiraan.

 

 

Wasiirkii hore ee Wasaaraddaha Waxbarashada iyo Beeraha Prof: Faarax Cilmi Geedoole, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramayay isagoo ku sugan Magaalada Boorama ayaa sidoo kale olole ku tilmaamay safarka Kulmiye ee Boorama, waxaanu yidhi isagoo arimahan ka hadlaya 

“Waxaan hadda ku suganahay Magaalada Boorama, waxaana runtii u kuurgalaayey wada hadalada ay Habar Cafaan ay la leedahay Xisbiga Kulmiye,waxaana Beesha Habar Cafaan hogaanka Xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici u soo gudbisay qodobo dhawr ah, oo qodobka ugu muhiimsani ahaa in Musharaxa Madaxweyne ku xigeen shantan sanno maaha ee shanta sanno ee dambe in la siiyo, waxaana cadaatay in Xisbiga Kulmiye oo horena balan ugu qaaday Axmed Ismaaciil Samatar in haddana lix qodob oo Odayaasha Beesha Habar Cafaan ay u soo gudbiyeen Kulmiye in aanu fulin, oo iska indho tiray, wax alaale wax laga hayo qodobadaasina aanay jirin, waxa ka mid ahaa in loo kordhiyo Golaha Wasiiradda iyo Agaasimayaasha iyada qudheedana wax alaale wax ilaa hadda laga hayaa ma jirto, iyada oo taasi jirto oo is maan-dhaaf jiro, haddana waxa Magaalada ka socota oo Kulmiye kaadhadh u qaybinayaa dadka, iyagoo doonaya inay Xaflad been abuur ah u dhigaan, oo ay yidhaahdeen Beeshii oo dhan baa nagu soo biirtay”.

Faarax Cilmi Geedoole isaga oo ka hadlaya Saddexda Xisbi Qaran ayaa yidhi  “Wasiirka Waxbarashada iyo nimanka kale ee Dawladda ku jira waxaan leeyahay ka waantooba inaad Beesha ka dhex abuurtaan khilaaf iyo kala jab, waana khalad in xaflad been abuur ah la sameeyo, Odayaasha Beesha Habar Carfaan shuruudo ayey ku xidheen Kulmiye, waanu ka soo bixi waayey, markaas in Beesha been laga abuuro oo la yidhaahdo Kulmiye ayey ku biireen waa khalad, arintaasina wax loo baahan yahay maaha, waxaanu nahay dal Dimuqraadiya, ee reerku Kulmiye uma xidhna,ee waa xor, waxayna xor u yihiin codkooda iyo inay ku biiraan ama codkooda siiyaan Xisbiga ay doonaan, oo Waddani wey ku jiraan, Kulmiye wey ku jiraan, UCID-na wey ku jiraan, dabeecada siyaasada ayaana sidaas ah, markaas waxaan aad ugu xumahay daacayadaha waxba kama jiraan ka ah ee laga dhex wado Beesha ee uu Kulmiye wado, waana ka soo hor jeedna, wakhtiga ayaana ina kala saari doona”.

Prof: Faarax Cilmi Geedoole mar uu Kulmiye ku eeddayeynayey olole ayaa yidhi “Ololuhu wuu socdaa, oo Kulmiye Boorama olole ayuu ka wadaa, ololahaas oo uu kula kulmayo Beelaha kala duwan ee Boorama, balse taasi umay suurtagalin, waxayna Beelihii ku yidhaahden hawshii aad u socotay ku koobnow, waana sharci daro ololahani” ayuu yidhi Prof Geedoole

 

 

 

Source:- Geeska

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews