berberatoday.com
Dawlada Xamar Oo Sheegtay In Sucuudigu Soo Gaadhsiiyey Warqad Sheegaysa In Xoolaha La Joojiyey Qabaan Xanuunno
December 16, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay wado dedaallo ay ku dooneyso in Sucuudiga ay ku qanciso sidii ay dib ugu fasixi lahaayeen dhoofka Xoolaha Soomaaliya ee la geeyn jiray dalkaasi.

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa dowladda Soomaaliya Siciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in dowladda Sucuudigu ay si ku-meelgaadh ah u hakisay xoolihii uga tagi jiray Soomaaliya.

“Warqad ay noo soo direen waxay ku sheegeen in xoolaha Soomaaliya ka iman jiray ay u hakiyeen sababo dhanka caafimaadka ah, waxay sheegeen in xoolaha ka yimaadda Soomaaliya laga helay xanuunno ay kamid tahay cudurka RiftValley,” ayuu Wasiirku yidhi, waxaanu intaa daray in xoolaha ay mareen baadhitaanno caafimaad oo caalami ah, isagoo sheegay in ayna suurogal ahayn hadalka kasoo yeedhay Sucuudiga ee ku saabsan in xoolaha Soomaaliya ka yimaadda laga helay cudurro halis ah, “ Waxaaanu wadnaa dedaallo, cudurrada ay sheegayaanna Soomaaliya kama jiraan, waxaan rabnaa in Sucuudiga aan u xaqiijinno in tuhunkaasi yahay mid aan waxba ka jirin.”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews