berberatoday.com
Madaxtooyada Somaliland Oo Sheegtay Inaan Wer-wer Laga Qabin In Doorashadu Xilligeeda Ku Qabsoonto
December 16, 2016 - Written by Berbera Today

Ujeeddada Kulan Shalay Hargeysa ku dhex maray Guddida Doorashooyinka + Xukuumadda Iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, Xukuumadda iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha Somaliland ka taageera Doorashooyinka, ayaa Salay kulan ku yeeshay Xarunta Guddida Doorashooyinka ee Magaalada Hargeysa.

Shirkan Saddex Geesoodka ah, ayaa waxa lagaga wada hadlay Hawlaha la xidhiidha Doorashada Madaxtooyada iyo sidii sida ugu dhakhsaha badan loogu daabici lahaa Cod-biixyeyaasha oo Dalka Gudihiisa lagu farsamaynayo, si markaasi ka dib loogu qaybiyo Dadweynaha ku dhaqan Gobollada Dalka.

Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo Shirka Saddex-geesoodka ah ka dib la hadlay Saxaafadda, ayaa yidhi, “Waxaa aanu yeelanay Shir Saddex Geesood ah, Annaga oo Komiishanka ah, Xukuumadda iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha, waxaana la isku af-gartay in Hawsha sideedii u socoto, doorashaduna aanay wakhtigeedii innagu dhaafin, kaadhadhkuna diyaar u noqdaan inaynu qaybino. Daabacadda kaadhadhkuna waxay noqonayaan labada Gelinba in la daabaco, maaddaama oo qalabkii soo dhamaaday oo Maantaba (shalay) qaybi ay Dibadda ka timid.”

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaga iyo Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Maaliyaddu kulankaa uga qayb-galeen Xukuumadda, ayaa sheegay in Komiishanku qabtay Hawl wanaagsan, sidaa darteedna aanay jirin wax wer-wer ah oo laga qabo in doorashadu Xilligii loo cayimay ku qabsoonto.

Wasiirka Madaxtooyada oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Komiishanka waan ku hambalyeynayaa hawsha wanaagsan ee uu qabtay, wax wer-wer ahi nooma muuqdaan oo ah in Wakhtigeedii lagu qabto doorashada, dhammaanteena waxa innaga Go’an in Doorashadaasi ku dhacdo xilligeedii..”

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews