Xaruntii Guud Ee Xisbiga Ucid Kulahaa Gobolka Saaxil Oo Astaamihii Xisbiga Ucid Laga Rogay Iyo Calankii Xisbiga Kulmiye Oo La Sudhay+ Daawo Sawirada Labada Wakhti Ee Kala Duwan
December 16, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Xaruntii guud ee Xisbiga Ucid lahaan jiray Gobolka Saaxil oo sida la sheegay uu maamulkeeda iyo maalgalinteedaba lahaa Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Musharixii hore ee Xisbiga ucid ayaa maanta sirasmiya looga dajiyay calankii iyo astaamihii Xisbiga ucid waxaana islamarkiiba la sudhay astaamaha iyo calanka xisbiga Kulmiye.
Xaruntan oo shaqaynaysay ilaa sanadii 2012kii ilaa wakhtigaas gacanta kuhayay maamulkeeda iyo maalgalinteedaba Musharixii hore ee xisbiga cadaalada Iyo daryeelka ee ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo dhawaan sirasmiya ugu biiray xisbiga kulmiye isaga iyo taageerayaashiisii tirada badnaa ee dalka gudihiisa iyo debediisaba ku kala dhaqnaa.