Barnaamijka Somalil Week Oo Finland Lagu Qabtay Sanadkii Uhoreyay Iyo Wacdarihii Kadhacay”Daawo Sawiarada
December 17, 2016 - Written by berberatoday berberatoday
Finland(Berberatoday.com)-Bandhiga Somali Week (Somaliweek Festival)ayaa Markii ugu horaysay sanadkan Waxaa lagu qabtay wadani Ka baxsan U.K,sida Sweden Iyo Finland.

Bandhigan Oo Aad caan ugu ahaa magaalada London Iyo dhawr Iyo tobankii sanadood ee tagay ayaa Waxaa lagu muujiyaa hiddaha Iyo Dhaqanka Soomaalida.Waxaana sanad walba lagu Soo Marti qaadaa fanaaniibta Iyo Abwaano Iyo qorayaal Somali Iyo ajinabi isugu jira Oo daneeya ama culmi baadhis ku sameeyay arimaha Somalida.Bandhigii Ka dhacay xarunta Finland ee Helsinki Oo socday 8-10 Bishan Decembar ayaa Waxaa Ka qayb galay weriye Abdisalam Hereri Oo ku Soo bandhigay buuga uu Af -Somaliga ku turjumay ee Feedh qaloocan ee uu qoray qoraaga Nuradin Farah