berberatoday.com
Mucjiso Aan Hore Loo Arag Oo Ku Habsatay Qoys Dagan Magaalada Burco Iyo Isbeddelka Midabbada Cuntada Iyo Biyaha “Daawo Warbixin Muuqal Ah
December 17, 2016 - Written by Berbera Today

Burco(Berberatoday.com)-Qoys ku dhaqan Xaafadda Aktoobbar oo ka mid ah Xaafadaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa Mucjiso aan hore loo aragi la soo deristay, isla markaana Cuntada ay karsadaan iyo Biyaha ay shubtaanba yeelanayaan midabbo aanay hore u arag oo kala duwan, iyaga oo Biyo kasta oo ay Shubtaan ay xumbaynayaan, isla markaana ay Midabbo nooc nooc ah yeelanayaan, halka ay Cuntaduna nooc kasta oo ay tahay midabbadaas yeelanayso.

MUCJISO CUNTADA IYO BIYAHA MIDABKOODA BEDDELAYA OO QABSATAY QOS BURCO DEGGAN 2016

Qoyska ay dhibaatadani la soo daristay, ayaa ka sheekeeyey Mucjisada ay arkeen iyo xilligii ay ku bilaabantay oo ay sheegeen inay muddo bil ah soo socotay, Cunto kasta oo ay karsadaan Loox, Bariis, Baasto, Hilib, Shaah iyo Laxoox-ba ay is-beddelayaan, ay Biyuhu Xumbno samaynayaan. Waxaanay sheegeen in markii dhibaatadani ku badatay ay Culimada Burco Warqado u qorteen si ay ugu soo gurmadaan oo ay Qur’aan ugu akhriyaan Qoyskaas iyo Guriga ay deggan yihiin.

Dadka la deriska ah ama la jaarka ah Qaarkood, ayaa iyaguna Saxaafadda uga warramay markii ay ogaadeen Mucsijsada Qoyskan heshay iyo waxyaabaha ay goob-joogga u noqdeen ee ay arkeen, waxaanay sheegeen in ay isku dayeen inay Cunto u kariyaan Qoyskaas, ka dibna Biyaha ay dabka saaraanba nooc kale isu beddelaan, Cuntana ay suuragal-ba u noqon wayday inay u sameeyaan. Sidoo kale, qaar ka tirsan Culimada u gurmaday Qoyskaas, ayaa iyaguna Saxaafadda la hadlay.

Haddaba, Warbixinta Warkan oo dhammaystiran, Xubnaha Qoyska, Dadka Jaarka iyo Culimada ka hadlay iyo weliba noocyada ama midbada kala duwan iyo xumbada ay Biyaha iyo Cuntada Qoyskaasi samaynayaan-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

https://youtu.be/4JYY4URQ6Sg?t=68

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews