berberatoday.com
Sheekh Aadan-Siiro Oo Sheegay Go’aammada Madaxtooyada Ka Soo Baxa In Faaliyeyaal Ka Talo-bixiyaan
December 17, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sh. Aadan-Siiro), ayaa sheegay in dadka ka talo-bixiya go’aammada Masiiriga ah ee Madaxtooyada Somaliland ka soo baxa inay Faaliyeyaal ku jiraan iyo Dad Jaahiliin ah oo lagu qiimeeyo sida uu sheegay inay jecel yihiin Xisbiga Kulmiye iyo cidda talada haysa oo ay Sacabka aad ugu garaacaan sida uu hadalka u dhigay Sheekhu.

SHEEKH AADAN-SIIRO OO SHEEGAY IN MADAXTOOYADA SOMALILAND FAALIYEYAAL JOOGAAN 2016 D

SHEEKH AADAN-SIIRO OO SHEEGAY IN MADAXTOOYADA SOMALILAND FAALIYEYAAL JOOGAAN 2016 D

SHEEKH AADAN-SIIRO OO SHEEGAY IN MADAXTOOYADA SOMALILAND FAALIYEYAAL JOOGAAN 2016

SHEEKH AADAN-SIIRO OO SHEEGAY IN MADAXTOOYADA SOMALILAND FAALIYEYAAL JOOGAAN 2016

Waxa uu Sheekh Aadan-Siiro arrintaas iyo qodobbo kaleba si adag ugaga hadlay Khudbaddii Salaadda Jimcaha uu ka jeediyey, taasoo uu ku soo qaatay sida ay Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta ugu wanaagsan tahay inay la tashadaan Cid Nasteex u ah, isla markaana ay waxa uu tilmaamay in Talada Somaliland ay wax ku leeyihiin Dad uu sheegay inay Faaliyeyaal yihiin, taasoo uu ku sababeeyey in xilliyada dambe ama saqda dhexe ee Habeenkii oo inta badan marka Madaxweynuhu isku-shaandhayn sameeyo la soo saaro ama soo baxa.

Sheekhu wuxuu sheegay in dhibaatada ka jirta Dalalka Islaamka ee Somaliland ka mid tahay ay tahay in Hoggaamiyeyaashu ay la tashadaan Dad aan Nasteex u ahayn, balse arrin kasta oo wax laga weydiiyo ku miisaama Danahooda shaqsiga ah, taasina horseedday dhibaatooyinka jira Somaliland iyo Waddamo badan oo kuwa Muslimka ah ay ka jiraan wakhtigan.

“Markaad haysato Lacag yar, waxaad la doonataa halkan ugu ammaano badan ee aanay Xoolahaagu kaaga dhacmaynin, Qofka lagala tashanayo (Arrimaha Ummadda) waa Qof la aaminay, Rasuulkuna wuxuu yidhi waa in Qofka lala tashanayaa noqdo Qof aamina oo Aqoon u leh waxa lagala tashanayo. Rasuulku (CSW) wuxuu yidhi Qofka Walaalkii la tashado, ee u tilmaama isagoon arrinkaa Aqoon u lahayn wuu khiyaameeyay (Qofka uu la taliyey).”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Qof Habeenkii Tusbaxa Roga oo Shaqada uu yaqaanaaba Faaliye tahay, haddii Dalka Taladiisa wax laga waydiiyo maxaad ka sugeysaa inay ka soo baxaan? Macnaheedu waxa weeyaan marka la qabanayo Arrin Ummaddu leedahay in lagala tashado Cidda Aqoonta u leh, oo aan waxba laga waydiiniin Cid aan Aqoon u lahayn, iska daa’ inaad wax waydiiso Faaliye la yidhi Haddaad wax waydiisaan Afartan Maalmood Salaad la idinka Aqbali maayo.”

Sheekh Aadan-Siiro wuxuu sheegay in Somaliland iyo Ummadaha kale ee Muslimka Hoggaamiyeyaashoodu la La Taliyeyaashooda ku xushaan siday u kala taageersan yihiin isaga iyo Xisbigiisaba, waxaanu yidhi; “Innaga iyo kuwa kale ee Muslimiinta u Arrimayaa maxay ku eegaan Qofka la Talinaya? Qofkaasi ma yahay Mid i amaana Aqoontiisu waxay doonto ha ahaatee, xataa suuqaba ha laga soo kexeeyo’e. Ma yahay Qofkaasi mid ku Riyooda Aniga iyo Xisbigaygu inay Wanaagsan yihiin? Kuwaasaa wax laga waydiinayaa marka Go’aamada ugu dambeeya ee ugu Adag la qaadanayo.”

Waxaanu Sheekh Aadan intaasi raaciyey; “Nin baa samaysanaya Gaadhi Jeeble yar, Gaadhi jeeb lahaa Gebigiisaba Konton dollar baa lagu Cammiray, wuxuu ku odhanayaa ii doona Inan ILAAHAY yaqaana oo aamina oo aan Meheradda ku aamino, Waayo? Wuxuu doonayaa Qof karti badan oo aamina oo Meheraddaa yar uga shaqeeya, bal maxaad u maleynaysaa Ummad dhan Taladeeda? oo Shaadhka loo xidhayaa yahay Xisbiga ma jecel yahay, Aniga ma igu Riyoodaa, oo Shaadhka loo xidhayaa yahay Sacabka si wanaagsan ma u garaacaa? Sidii Ninkii la odhan jiray Afar jeeble ee markii uu Hargeysa yimid samaystay Koox la baray inay si wanaagsan Sacabka ugu garaacaan.”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu si gaar ah khudbaddiisa ugu soo qaatay Xil ka qaadistii Maareeyihii Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, waxaanu yidhi, “Maareeyihii Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, waad ogtihiin oo waalla beddelay, waxaana beddelay koox habeenkii Dalka u shirta, oo Qaabka ay wax u beddalaan tahay laba Sifo, Hebel Qaadhaanka ugu badan ma ku bixiyaa inaynu wax noqono innagu.? Hebel ma yahay Dadka innagu Riyooda ee inna amaana, Inankaa intaasaa lagu beddelay, waan idiin sheegayaa, wax igu kellifayaana ma jiraan. Afar iyo Toban goor baan is idhi bal inankaa soo eeg siduu u shaqeeyo, 14-kii jeerba waxaan u tagay 6:30 Subaxnimo isagoo Xafiiskiisu furan yahay oo uu shaqeynayo.”

Sheekhu wuxuu tilmaamay in Maareeyaha la beddelay wuxuu badan qabtay Muddadii Xilka hayey, waxa uu yidhi; “Hay’aduhu waxay u shaqeeyaan qaab Male-awaal ah oo boqolkiiba sagaashan waxay inoo keenaan iyagaa jeebka ku shubta, laakiin waxay jecel yihiin Mashruuca fula, markaa Dadka Shaqadooda ka adag ee Ballanka leh inta badan Gaaladu way Maalgeliyaan, markaa intuu Inankaasi Wakaaladda joogay waxa iskugu yimid 12 Hay’adood, waxayna Mashruuca Biyaha Hargeysa ku bixiyeen 70 Milyan oo dollar markay arkeen Ballantiisa iyo Shaqadiisa. Waxa lagu beddelay Ibraahim Siyaad Lacagta ka soo baxda Wakaaladda uguma ololeynayo Xisbiga.”

Sheekh Aadan wuxuu ka digay Xaaladda Dalku ku sugan yahay, waxaanu yidhi; “Waxaan idiin sheegayaa waxaynu qaadnay dhabbihi Dumista, waayo? Waxa arrintaa ka shaqeynaya Koox qaarkood Faalka rogaan. Waxaanu kula talinaynaa Kuwa 2-da Habeennimo Wax beddela ee la tashada kuwaa aanu sheegnay ee Dalkan iyo Dadkan moodaya Shaadh ay iyagu leeyihiin oo la isku qiyaaso ma soconayso ayaanu leenahay, waa Dariiqii Dagaalka Sokeeye ayaanu leenahay ee ka daaya.”

Khudbadda uu Sheekh Aadan-Siiro Jimcihii shalay jeediyey oo Dhammaystiranna oo Maqal iyo Muuqaal ah, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews