berberatoday.com
SHIRKA WADDANI EE NAIROBI & SHAKIGA SHACBIGA SOMALILAND BY: CUMAR M. FAARAX
December 17, 2016 - Written by Berbera Today

Waxa soo xoogaystay shakiga iyo walaaca fallanqeeyeyaasha siyaasadda iyo shacbi-weynuhuba wax iskaga weydiinayaan dhaqdhaqaaqa olole ee xisbiga WADDANI ka bilaabay dalka dibadiisa, gaar ahaan dalalka Kenya iyo Ingiriiska, shirarkaas oo qasdigoodu yahay inay dawladaha adduunka ka dhaadhicinayaan fikrado siyaasadeed oo ay ugu talo-galeen inay ku wiiqaan sumcadda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan kobcinta nidaamka dimoqraadiyadda.

 Hadal haynta maalmahan, waxa fagaareyaasha barkulanka bulshada haystay faaqidaada halista natiijada taban ee ka dhalan karta saymaha xisbigaasi u soohayo qarannimadda Somaliland. waxa dhiilada rayul caamka dhaliyay Hoggaanka WADDANI , musdambeedkooda iyo qoor-weynta xisbiga oo muddo ka badan toddobaad booqasho aan ujeeddadeeda la fasirin ku jooga magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, masuuliyiintaasi oo ah sagaal xubnood, waxay maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeesheen qaar ka mid ah safaaradaha dunida reer galbeedka ee fadhigoodu yahay magaaladda Nairobi, iyadoo la soo weriyay inay u gudbiyeen ashkatooyin been abuur ah oo ay xukuumadda Somaliland ku eedeynayaan inay doonayso in mar kale dib loo dhigo doorashada madaxtooyada ee ku muddeysan inay dalka ka qabsoonto 28-ka Bisha March.

Saraakiisha xisbiga WADDANI waxay sheegeen inay la kulmeen lix Safaradood oo kala ah Midawga Yurub oo ay ka mid ahaayeen Jarmalka, Ingiriiska, Faransiiska, Denmark, Maraykanka iyo Urur Goboleedka IGAD, Murrashaxa madaxweynaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro, ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in ay kala hadleen danjireyaashii ay la shireen gurmadka abaaraha Somaliland iyo sidii loo maareyn lahaa dhoofka xoolaha ee Sucuudigu joojiyay. Balse hadalkaasi waxa bulshadu ku macneysatay mid afgobaadsi ah oo aan dadka ka shaafiyi karin tobanaan su’aalood oo shirarkaas la xidhiidha oo ay ku sifeeyeen “Timir laf baa ku jirta.”

Wararka ka imanaya Nairobi, ayaa sheegay in safiirrada ay is arkeen ay u gudbiyeen qodobbo qarsoodi ah oo ay ka mid yihiin inay xukuumadda dusha ka saareen eedaymo samays ah oo ay ka mid tahay in dawladda KULMIYE u jeellan tahay in doorashadda madaxtooyadda dib u dhac kale ku yimaado, si muddo kordhin loogu sameeyo iyadoo food saaro ka dhiganaysa xaalladda abaaraha ka jira dalka.

waddaniga-waynWax kale oo ka mid ah soo jeedimaha ay xisbiga WADDANI u qadimeen dawladihii ay la kulmeen in xukuumadda la saaro cadaadis diblomaasiyadeed oo la xidhiidha inaan la sameynin wax muddo kordhin ah oo kale. Arrintan waxa hadal haynteeda sii xoojiyay xajmiga weftiga culus ee ku sugan Nairobi oo ka kooban 8 qof oo kala ah Murrashaxa Madaxweynaha ahna Aasaasaha xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Hoggaamiyaha WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, Murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka WADDANI, Maxamed Cali Cabdi, Xoghayaha Arrimaha dibadda Maxamed Cismaan Fadal, Ismaaciil Hurre Buubaa, Maxamed Biixi Yoonis, Cabdirisaaq Khaliif Axmed, Xildhibaan Maxamed Saalax Cigge, oo ka mid ah Mudaneyaasha aqalka wakiiladda kaga jira xisbigaas iyo Axmed Safiina.

Waxa kale oo weftiga labaad ee WADDANI ee u kicitimay Ingiriiska hoggaaminaya Guddoomiyaha ku-meel gaadhka ah Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ay weheliyaan La-taliyaha Guddoomiyaha ee arrimaha dibadda, Faadumo Siciid Ibraahim iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Aw Xoog, oo ka mid ah Golaha Wakiiladda, waxaanay soo fulinayaan qorshe la mid ah kan ay ka wadaan Nairobi, iyadoo lagu wado inay qoraalo kala duwan u gudbiyaan xafiisyo cayiman oo ka tirsan dawladda Ingiriiska.

Waa markii ugu horreysay ee masuuliyiin xisbi oo tiradaas leegi mar qudha safar ugu kicitimaan dalka dibadiisa, iyadoo ay haawanayso xaruntii dhexe xisbiga WADDANI ku leeyahay magaaladda Hargeysa, maadaama Hoggaankii xisbiguba labadaas safar u kala baxeen, waxa xarunta xisbiga loo cidleeyay Xoghayaha guud Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, iyadoo horena looga saaray xisbiga Guddoomiye Ku-xigeenadii koowaad iyo labaad Axmed Muumin Seed iyo Xildhibaan Faarax Maxamed Cabdulle.

Si kastaba arrintu ha noqotee, waxa looga fadhiyaa xisbiga WADDANI inay ummada reer Somaliland u macneeyaan oo ka qanciyaan dhaqdhaqaaqoodanshakiga leh ee mar kaliya ay isu wada raaceen qoorweyntii xisbiga dambaabaysey. Kharashka ku baxay labadan safar ee mataanaha ah oo ah mid dhiig bax ku ah itlaalka dhaqaale ee xisbi mucaarid ah, ayaa ah mid su’aalo waaweyn oo kale ka dhalanayaan cidda maalgelisay, iyada oo dad badani aaminsan yihiin inay jiraan gacan dhaqaale oo dibadeed oo xisbigaas ka saaciday dhaqaalaha ay qorshahoodan kaga midho-dhalinayaan.

Weftiga WADDANI, wali lamay kulmin taageereyaashooda Kenya, taasina waxay caddeynaysaa inay ku foogan yihiin ujeeddooyin xaqiiqdoodu soo bixi doonto dharaaraha soo socda oo haddii xisbigaasi ummada u sharraxi waayaan dullucda safarkooda, dad badani ka gows adaygi doonaan inay taageeraan xisbigan guri dambayska ah ee hab dhaqanka cusub dalka ku soo kordhiyay oo ah inay ujeeddooyinkooda u soo dhiibaan dawlado shisheeye.

Cumar Maxamed Faarax

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews