berberatoday.com
Xoghayihi Hore Ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon Shaaciyey In Uu U Tartami Doono Madaxweyne Iyo Dalka Uu Madaxweynihiisa U Tartami Doono
December 17, 2016 - Written by Berbera Today

New York(Berberatoday.com)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa iftiimiyey inuu dhawaan u tartami doono madaxweynenimada waddankiisa Kuuriyada koofureed.

Image may contain: 1 person

 

Wakhtiga uu Mr Ban haynayo xilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ku eg dhamaadka bisha Disembar.

Shirkiisii jaraa’id ee ugu dambeeyey ayuu ku sheegay in waxoogaa nashasho ah ka dib uu ku laaban doono Kuuriyada koofureed, uuna ka baaraan degi doono sida ugu wanaagsan ee uu dalkiisa wax ugu tari karo.

Doorashooyinka soo socda ee Kuuriyada koofureed ayaa la qorshaynayaa in la qabto Disembar 2017, laakinse waxaa dhici karta in cod bixin ay dhacdo laba bilood gudahood, ka dib markii baarlamaanku uu u codeeyey in dacwad lagu soo oogo madaxweynaha iminka, haweeneyda Park Geun-hye, taasoo la xiriirta fadeexado ku saabsan dad ku hodmay saamayn ay iyada ku lahaayeen.

Baarlamaanka ayaa u codeeyey in Park Geun-hye dacwad lagu soo oogo

Ms Park ayaa lagu eedeeyey inay u ogolaatay saaxib aad ugu dhow inay ka macaashto xidhiidhkeeda 

Haddii maxkamadda dastuuriga ah ee dalka ay meel mariso cod bixintii todobaadkii hore lagu go’aamiyey in dacwad lagu soo oogo, Ms Park waxay noqon doontaa madaxweynihii ugu horreeyey ee waddankaas ee isagoo xilka haya si dimoqaraadiyad ah loo eryo, waxaana doorashooyin madaxweynenimo la qabanayaa 60 maalmood gudahood.

Banaanbaxyo looga soo hor jeedo madaxweyne Park Geun-hye ayaa socday todobaadyadii la soo dhaafay

Hadalka Mr Ban ayaa ku soo aaday ayadoo banaanbaxyo ay ka socdaan magaalada caasimadda ah ee Seoul. Maalmahan ayaa la filayaa in dad aad u tiro badan ay isu soo baxaan, kuwaasoo weydiisanaya in Ms Park ay degdeg isu casisho. Isu soo baxa ayaa noqon doona banaanbixii 8aad ee xiriir ah, kuwaasoo looga soo horjeedo Ms Park.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews