berberatoday.com
“Haddii Aynu Laan-Dheere Dooranayno Maanta Siilaanyo Muu Joogeen Oo Reer Daahir Baa Joogi Lahaa, Cirro-Na Muu Joogeen Oo Reer Caynaanshe Iyo Reer Sugulle Ayaa Joogi Lahaa” Wasiir Cadaani
December 18, 2016 - Written by Berbera Today

wasiir Caddaani.

Wasiir Caddaani Oo Soo Bandhigay Dal-daloollada Halbeegga Uu Xisbiga WADDANI U Adeegsado Xulashada Siyaasiyiintiisa Beelaha Ku Dhisan

wasiir-cadaani-1

Hargeysa(Berberatoday.c om)-Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (caddaani), ayaa si adag u duray miqyaaska uu xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI adeegsado marka uu dooranayo murrashixiintiisa amaba cid kale oo ay rabaan inay xisbigooda u metesho mansab sare oo siyaasadeed.

Wasiir Saxardiid oo magaalada Boorama kaga qayb gelayey madal taageerayaal cusub oo xisbiga KULMIYE kusoo biiray lagu soo dhaweynayey, ayaa wax laga xishoodo ku tilmaamay inuu xisbiga WADDANI hal-beeg  uga dhigto cidda uu mansabyadiisa u dhiibanayo tirada  iyo laxaadka beeshiisa, isaga oo fikirkaasna ku tilmaamay mid guuldarro ku ah qaran-nimada Somaliland.

 Wasiirku waxa uu shaaciyey in haddii mansabyada dalka loo eegayo tirada iyo baaxadda beelaha Somaliland deggen aanu guddoomiye Ciro haybsadeen inuu hungureeyo madaxnimada Somaliland,“Intii Somaliland madaxweyne-yaal soo martay midna laandheere laguma sheegi jirin, weligeedna Somaliland ismay weydiin yeynu dooranaa oo Laandheere ah, haddii aynu laandheere dooranaynona Maanta Siilaanyo muu joogeen oo Reer Daahir iyo baa joogi lahaa, Cabdiraxmaanna muu joogeene reer Caynaanshe iyo reer Sugullaa joogi lahaa” ayuu yidhi wasiir Caddaani.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu wasiir Caddaani sheegay inuu xisbiga WADDANI sas iyo naxdin dheeraad ah ka qaaday abaabulka ka muuqda xisbul-xaakimka KULMIYE, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Ilaa intii aanu safarkii madaxweynuhu hoggaaminayey ee gobollada Bariga k animi xisbigi WADDANI waxa ku dhacay warwar iyo anfariir.”

Hadalka wasiir Caddaani, ayaa daba socday dhaqan bulshada ugub ku ah oo ay kaadirka xisbiga WADDANI dhawaan kula kaceen guddoomiye-ku-xigeenkii xisbigaas Md. Axmed Muumin Seed, kaas oo baaxadda beesha uu kasoo jeeda darteed ku waayey kursiga madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga WADDANI oo uu isu soo sharraxay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews