berberatoday.com
Shirweynaha Dhallinyarada Heer Qaran Ee Xisbiga KULMIYE Oo Maanta Furmaya iyo Ergooyinka ka Qaybgalaya Oo Soo Gaadhay Hargeysa
December 18, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirweynaha Garabka Dhallinyarada heer Qaran ee xisbal-xaakimka KULMIYE, ayaa si rasmi ah uga furmaya magaalada Hargeysa maanta.

Shirweynahan oo lagaga hadlayo arrimaha xisbiga iyo qorshayaashiisa dhallinyarada ku wajahan, ayaa ergooyinka ka qaybgalaya oo iskaga kala yimi dhammaan gobollada Somaliland ay soo wada gaadheen magaalada Hargeysa.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Warbaahinta Xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu u dhignaa sidan “Hoggaanka Garabka Dhallinyarada xisbiga oo qabanqaabinaya shirweynahan, ayaa ergooyinka shirkan ku soo dhaweeyey labada daraf ee Bariga iyo Galbeedka caasimadda Hargeysa shalay, isla markaana waxay muhiimad gaar ah siiyeen sidii ay da’yarta ka kala imanaysa gobollada dalku u soo wada gaadhi lahaayeen Hargeysa, isla markaana loo dajin lahaa hudheellada loogu talogalay.

Gobollada Saaxil, Togdheer, Saraar, Buuhoodle, Sanaag, Sool, Xaysimo iyo Oodweyne, ayaa ergooyinka metelaya waxa lagu soo dhaweeyey bariga magaalada Hargeysa, waxaanay si weyn uga mahadnaqeen sida milgaha leh ee loo qaabilay.

Sidoo kale, ergooyinka ka socday gobollada Gabiley, Boorama, Hawd iyo weliba Salel, ayaa iyagana waxa lagu soo dhaweeyey dhinaca Galbeed ee magaalada Hargeysa, waxaana halkaas hadallo soo dhaweyn u badan ka jeediyey hoggaanka garabka dhallinyarada ee heer qaran.

Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee heer qaran Md. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi oo madasha lagu soo dhaweynayey hadal kooban ka jeediyey, ayaa soo dhaweeyey ergooyinka, waxana uu xusay inuu xisbiga KULMIYE muhiimad gaar ah siinayo dhallinyarada, “Aad baan u soo dhaweynayaa ergooyinka shirweynaha dhallinyarada ka qaybgeli doona ee Gobolka Maroodi-jees isugu yimi, gacmo furan iyo qalbi furan baanu idinku soo dhaweynaynaa, shirweynuhuna wuu inoo furmi doonaa Insha Allah,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdinajax.

Dhammaanba ergooyinka gobollada kala duwan ee gobollada dalka metelaya, ayaa caasimadda Hargeysa kusoo wada xerooday, waxaana la sugayaa furitaanka shirweynaha heer qaran ee dhallinyarada Somaliland, kaas oo si rasmi ah u furmi doona galinka hore ee maanta.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews