berberatoday.com
[Akhriso]: Godob Laga Galay Boon Xirsi !W/Q: Khaalid Foodhaadhi
December 19, 2016 - Written by Berbera Today

Alle naxariistii janno haka waraabiyee waxa habeen hore oo taariikhdu ku

 beegnayd 18-12-2016 magaalada Hargeysa ku geeriyooday abwaankii waynaa ee majaajillada iyo masraxiyadda ku caan baxay, Xuseen Xirsi Caddib oo loo garan ogyahay Boon Xirsi.

Image may contain: 1 person

 

 

Boon Xirsi oo ahaa ruux ummadda soomaaliyeed mid yar iyo mid waynba quluubtooda ku wada jiray isla markaana ay wada yaqaanneen ayaa waxa uu geeriyooday isagoo aan wax xanuun ah qabin, marka laga soo tago indhaha oo uu beelay sanado ka hor.

Boon Xirsi waxa uu muddooyinkii ugu dambeeyay ku noolaa magaalada Hargeysa, taasi oo uu horay u sheegay inay tahay magaalada uu ugu jecelyahay adduunka, isla markaana uu jecelyahay ku noolaanshaheeda.

Boon Xirsi oo ahaa ruux mudan dadkuna ay aad u wada jecelyihiin isla markaana isaguna ahaa ruux dal iyo dad jecel ayaa geeridiisu waxay shacabka intiisa badan ku noqotay lama filaan.

Haddaba,Boon Xirsi oo habeennimo geeriyooday isla subaxdiiba waa la aasay, iyadoo aaskiisa uu kasoo qayb-galay hal wasiir oo kaliya oo ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo tiro abwaanno ah oo aan sidaas usii badnayn.

Aaska loo sameeyay Boon Xirsi oo lagu sheegay Aas Qaran ma ahayn mid Qaran marka xaqiiqo looga hadlayo, waxaana arrintani ay meel ka dhac ku tahay marxuumka dhintay oo kamid ahaa mudanta ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Somaliland.

Inta badan aasaska qaran ee ka dhaca Somaliland waxa ka qayb-gala madaxweynaha Dalka iyo madaxda kale ee qaranka ugu sarreysa, balse aaska Abwaan Boon Xirsi waxa ka qayb-galay oo kaliya Wasiirka wasaaradda Warfaafinta mudane Cismaan Cabdillaahi Saxardiid Caddaani oo aan filayo in marxuumku uu kamid ahaa shaqaalaha wasaaraddiisa, waana sababta la odhan karo wasiirku wuu ugu keli yeeshay aaska marxuumka.

Madaxweyne Silaanyo oo la filayo inuu ka qayb-galo aaska Marxuumka waxa uu taas baddalkeeda ka qayb-galay Xaflad uu qabsaday xisbiga KULMIYE oo lagu sheegay shirwaynihii garabka dhalinyarada Kulmiye.

Marka laga soo tago in arrintani ay tahay Godob ay xukuumaddu ka gashay qoyska Abwaan Boon Xirsi iyo qaraabaddiisa, haddana waa godob kale oo xukuumadda Somaliland iyo madaxweyne Silaanyoba ay ka galeen dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Somaliland – waxaana la odhan karaa abwaanka lama marsiin waajibkii uu lahaa aaskiisu.

Madaxweyne Silaanyo waxa uu horay uga qayb-galay aaska shakhsiyaad uu Boon Xirsi ka mudnaa isla markaana weliba shakhsiyaadka qaar aaskooda guddi loo saaray.

Dhinaca kale, waxa xusid mudan in inta badan warbaahintu ay qaladay magaca abwaanka iyagoo intooda badani ugu yeedhaayay Xuseen Cabdi Xirsi, balse magaca abwaanka oo dhameystiran ayaa ah Xuseen Xirsi Caddib [Boon Xirsi] sida uu horay ugu sheegay waraysiyo lala yeeshay.

Tacsidii uu madaxweyne Silaanyo la wadaagay shacabka ee qoraal ahaan loo soo gaadhsiiyay warbaahinta ayaa kamid ahayd meelaha sida qaldan loogu sheegay magaca Abwaanka.

Sidoo kale, waxa aad u hooseeyay kaalintii looga baahnaa warbaahintu inay qayb ka qaadato ka hadalka taariikhda abwaanka iyo ka sheekaynta noloshiisii kala duwanayd, waxaana la odhan karaa doorka ay warbaahintu ku lahayd iyaduna way hoosaysay.

Ugu dambeyntii, Marxuum Boon Xirsi oo ahaa ruux quluubteena ku wada waynaa waxaan odhan karnaa muu helin qiimaha aaskiisu lahaa – Alle Ha U Naxariisto Marxuum Boon Xirsi [Nin alle, diin gargaar, ma danayste, shicib u doode].

W/Q: Khaalid Foodhaadhi

Hargeysa, Somaliland.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews