Amnesty Oo Ka Dayrisay Tacaddiyada Lagu Hayo Muslimiinta Qowmiyada Rohingya Ee Dalka Myanmar
December 19, 2016 - Written by Berbera Today
Maymar(Berberatoday.com)-Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in ficilada ay gaysanayaan milatariga Myanmar in ay noqon karaan “dambiyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah”
Amesty waxay qiyaastay in 27,000 oo ka mid ah qawmiyadda Rohingya in ay u qaxeen dalka ay dariska yihiin ee Bangladesh
Ka dib markii ay soo baxeen eedaymo sheegaya in dhibaato loo gaysanayo Muslimiinta Rohingya ee laga tirada badan yahay.
Warbixintii u dambaysay ee hay’addu soo saartay ayay ciidammada dalka Myanmar ku eedaysay in ay shacabka u gaysanayaan dil, kufsi, jir dil iyo waliba dhac.
Milatariga Myanmar wuu diiday in uu tacadiyo gaysanayo, waxuuna sheegay in uu hawlgallo argagixisada ka dhan ah ka wado gobolka Rakhine.
Madaxwaynaha Myanmar Ayaa soo dhexgalay gabdho yaryar oo tacadiyo loo gaystay
Arrintani waxay ku soo aadaysaa iyadoo madaxda dalalka gobolkaas ay isugu tagayaan magaalada Yangon ee caasimadda u ah dalka Myanmar si ay uga wada hadlaan dhibaatada ka taagan dalkaas.
Waa naadir in urur goboleedka ASEAN, oo ay ku midaysan yihiin toban dal oo ku yaala Koonfur Bari Aasiya in ay isu tagaan si ay uga arrinsadaan arrimo si gaar uga taagan dal xubin ka ah.
Wararka sheegaya in ay dhibaato ka taagan yihiin gobolka Rakhine ayaa billawday bishii tobnaad ka dib markii ay ciidammadu billaabeen hawlgal ka dhan ah jabhad.
Hawlgalkaas ayaa billawday ka dib markii malayshiyo ay weerartay booliiska xuduudaha ilaaliya.
Bishii kaw iyo tobnaad ee sanadkanna sarkaal ka tirsan Qarammada Midoobay ayaa sheegay in Myanmar ay wado isir sifayn ka dhan ah qawmiyadda Rohingya, halka hay’adda xuquuqda aadanaha u doodana ay soo saartay sawirro lagu qaaday satellite-ka oo muujinaya guryo la gubay.