Koox Aan La Aqoonsan Oo Weerar Bahalnimo Ah Ku Qaaday Xoghayaha Cadaalada Xisbiga Waddani Barkhad Jaamac Batuun Iyo Dhaawacyo Ay Soo Gaadhsiiyeen
December 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Koox aan la garanayn heybtooda ayaa weerar ay soo qaadeen dhaawac ugu geystay Xoghayaha Cadaaladda Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Garyaqaan Haldoor Barkhad Jaamac Xir Batuun oo dhex-lugeynaayey badhtamaha magaalada Hargeysa.
Weerarkan oo ay ku soo qaadeen laba nin oon illaa hada la aqoonsanin, ayaa fuliyey xilli caawa uu Haldoor Barkhad ka soo baxay xafiiska Akademiyadda Horumarinta Beelaha Gabooye oo ku yaala badhtamaha Hargeysa, waxaana weerar gaadmo ah oo ay ku soo qaadeen ka dib uu Haldoor Barkhad wax badan iska difaacay dagaalkii iyo dhibtii ay doonayeen in ay u geystaan iyada oo dhaawacyo fudud ay ka soo gaadheen wejiga, kooda iyo weli ba sida oo kale meel kale oo jidhkiisa ka mid ah.