berberatoday.com
Madaxda Waddani Oo Sucuudiga Ka Codsatay Inuu Xayiraadda Ka Qaado Xoolaha, Kana Qayb Qaato Gurmadka Abaaraha Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyay
December 19, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka warbixiyay kulan ay la yeesheen safiirka Sucuudiga u fadhiya magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.

 

Xirsi, oo xalay u waramay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay inay Safiirka Sucuudiga oo uu weheliyay ergayga Sucuudiga u qaabilsan Somalida, ay u bandhigeen laba qodob oo kala ah codsi ku saabsan sidii xayiraada looga qaadi lahaa Xoolaha uu dhawaan Sucuudigu joojiyay iyo sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen gurmadka abaaraha Somaliland ka jira. “Waxaanu Sucuudiga la yeelanay kulan muhiim ah, waxaana na qaabilay safiirka Sucuudiga ee Kenya iyo ninka u qaabilsan Somalida, waxaanan kala hadalnay xoolaha ay joojiyeen iyo sidii ay gurmadka abaaraha uga qayb qaadan lahaayeen.” ayuu yidhi Xirsi, waxaanu sheegay inay balan qaadeen inay ka hawlgeli doonaan sidii dawladoodu u fasixi lahayd xoolaha, waxaanay murashaxa Waddani Md. Cirro oo sidoo kale ah guddoomiyaha golaha wakiilada ka codsadeen inuu soo qoro qoraal codsi ah oo ku socda boqorka dalka Sucuudiga kaas oo ay iyaguna safaarad ahaan ku lifaaqi doonaan talo ay ku soo jeedinayaan in xoolaha xayiraadda laga qaado, “Arrinta abaaraha waxay yidhaahdeen waxaanu hadda wefti u dirnay magaalada Hargeysa, waxaanan soo diraynaa gurmad caawimo ah, qoraalka aad ku dalbanaysaan xayiraad ka qaadista xoolahana, waxaanu u gudbinaynaa Riyaad.”

Geesta kale, wuxuu hoggaamiyaha xisbiga Waddani ka waramay kulan ay shalay weftiga Waddani la yeesheen safaaradda Maraykanka, waxaanay kulankaas kaga wada hadleen arrimaha abaaraha iyo sidii Maraykanku uga qayb qaadan lahaa, waxaanu sheegay in Maraykanku balan qaaday inay ka qayb geli doonaan gurmadka ahaaraha iyo inay Sucuudiga ku qancin doonaan inuu xoolaha xayiraadda ka qaado.

 

 

 

Xigasho Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews