berberatoday.com
Magacyada Laba Gabdhood Oo Soomaali Ah Oo Shalay Lagu Dilay Magaalada Attowa Ee Dalka Kanada
December 19, 2016 - Written by Berbera Today

Ottowa(Berberatoday.com)-Labo Gabdhood oo Soomaali haysta Dhalashada dalka Kanada, ayaa lagu dilay Magaalada Ottawa ee Dalka Kanada, waxaana meydkooda laga helay gurigooda oo lagu qariyey.

Laanta danbi baadhista Booliiska ee Magaalada Ottawa ayaa sheegay in ay qabteen dad lagu tuhmayo inay ku lug-leeyihiin dilka loo geystay labada Gabdhood ee Walaalaha ah, waana kiisaskii 23aad iyo 24aad oo sanadkan gudihiisa ka dhaca Magaaladda Ottowa ee dalkaasi

Gabdhahan oo Dilkoodu dhacay Habeennimadii Sabtida isla-markaana Dilkooda loo adeegsaday Toorey, ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Nasiiba C/raxmaan Nuur oo 23 jir ahayd iyo Asma C/raxmaan Nuur oo 32 jir ahayd, waxaana dilkooda geystay sida la sheegay dhalinyaro boolisku qab-qabteen Dilka hablaha ka dib.

Boolisku waxay intaa ku dareen in mid ka mid ah dadka lagu tuhunsanyahay dilka gabadhaha uu xidhnaa dhar Mad-madow, waxaana la sawiray isaga oo labadiisa gacmood kula jira jeebabkiisa, shan iyo toban daqiiqo ka dib markii uu boolisku gaadhay goobta Dilku ka dhacay oo ah Dhismaha 3200-aad ee jidka McCarthy ee Magaalada Ottowa, waxaa kaloo isla goobtaasn lagu qabtay qof kale oo dhalinyaro ah, waxaana la arkayay isagoo gacmaha laga xidhay, oo wejiga dhulka loo dhigay.

Alle ha u naxariistee, Labadan gabadhood waxaa dhalay Prof C/raxmaan Axmed Nuur (Dr Sulub) oo ah asaasaha xarunta Hoggaaminta Dr Sulub oo ku taalla magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul-gobolleedka Puntland, sidoo kalena wax ka dhiga Jaamacadaha ku yaalla  Magaalada Garoowe.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews