berberatoday.com
SOOL: 16 Jir Iyo 9 Jir Isku Adeer Ahaa Oo Dil Naxariis-darro Ah Loogu Geystay Dharkeyn-Geeye, Colaad Ka Dhalan Karta & Xog-warranka Badhasaabka Gobolka
December 19, 2016 - Written by Berbera Today

Badhasaabka Gobolka Sool Oo Wargeyska Himilo Uga Warramay Sida Dilka Labada Carruurta Ahi U Dhacay, Kana Digay Colaad Kale Oo Ka Dhalata Dilkooda

 

Dharkeyn-geeye(Berberatoday.com)-Dad aan haybtooda la Aqoonsan baa Shalay si Naxariis-darro ah Qudha uga jaray Laba Wiil oo isku Adeer ahaa, kuwaasi oo Da’dooda lagu kala sheegay 16 jir iyo 9 Jir.

Dilkan oo ka dhacay Deegaanka Faras-cawle oo ku taalla Xuduudka Somaliland iyo Itoobiya isla-markaana u dhexeysa Tuulada Dharkeyn-geeye ee Koonfurta Gobolka Sool iyo Tuulada Badco oo ku taalla Xuduudka Gobolka Sool ee Somaliland la wadaago Itoobiya, ayaa la sheegay inuu la xidhiidho Aano Qabiil oo ku taxan Dagaallo Sannadkan horraantiisii halkaa ku dhex maray Laba Ardaa oo ka mid ah Beelaha Dhulbahante ee Gobolka Sool.

Labadan Wiil ee isku Adeerka ahaa oo Sawirro laga soo qaaday Meydadkoodu muujiyaan in Toorey lagu jeex-jeexay jidhkooda isla-markaana midkood Caloosha laga soo riday, ayaa waxa sida Dilkoodu u dhacay iyo wuxuu Salka ku hayo ka warramay Badhasaabka Gobolka Sool Cabdi Kheyre Dirir oo Wargeyska Himilo khadka Telefoonka kula xidhiidhay Xalay, waxaanu yidhi, “Sida aad maqasheen labadaasi Qof waxa lagu dilay meel la yidhaahdo Faras-cawle, oo ku taalla xadka Itoobiya iyo Somaliland, waxaanay u dhexaysaa Magaalada la yidhaahdo Badco iyo Dharkeyn-geeyo, labadaasi qof ee la dilay oo ah wiilal da’dooda lagu qiyaasay 9 jir iyo 16 jir waxay isku ahaayeen Adeer, waxaanay ka dhasheen Beesha Cabdi Garaad (Dhulbahante), waxaanay u dhinteen Aano Qabiil oo ku qotonta dagaalladii koonfurta Gobolka Sool ee u dhexeeyey Beelaha Cabdi Garaad iyo Maxamed Garaad (Dhulbahante).”

Guddoomiyaha oo Wargeyska Himilo weydiiyey ilaa hadda tallaabada maamul ahaan ay qaadeen iyo saamaynta ay Nabadgalyada gobolka uu ku yeelan karo, ayaa waxa uu ku jawaabay “Si kasta oo aanu maamul ahaan arrintaasi ku xallili karno waanu qaadaynaa, iyadoo waliba goobta uu dilkani ka dhacay ay ka baxsan tahay xudduudka Somaliland”.

Badhasaabka Gobolka Sool waxa kale oo uu sheegay in dilkani uu Nabadda waxyeeli karo “Dadku waa dad walaalo ah oo wada deggan Gobolka iyo magaalada Laascaanood xaafad ka mid ah, waana dad iska xiga dadka kale oo is yaqaana, markaa culeys way ku haysaa magaalada iyo Gobolka iyo guud ahaan dalkoo dhan, markasta oo ay wax dhacaana ciidamada Amnigu waxay qaadaan tallaabooyin lagaga hortagayo in aanay wax dambe dhicin, waxaana haatan socda dedaalo badan oo lagu adkaynayo Nabadda oo ay wadaan Culimada iyo Dadka Samo-taliska ahi, Dawladduna waxay samayn doontaa tallaabooyin lagu xakamaynayo sidii aanay u soo noqon lahayn collaadaasi”.

Badhasaabku waxa uu intaasi ku daray inay socoto baadhitaanka sidii loo heli lahaa dadkii rasmiga ahaa ee falkaa geystay, isla-markaana aanu  jeclayn inuu ka hordhaco baadhitaankaasi.

Badhasaabku waxa kale oo uu kula dardaarmay Shacabka Gobolka Sool inay nabadgelyadooda illaashadaan, maaddaaama oo ay Nabaddu tahay shayga kaliya ee ay ku badbaadi karto Nolosha, Sharafta iyo Maalkuba, isagoo ka codsaday Dadweynuhu inay maamulka la shaqeeyaan.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews