Sucuudiga Oo Heshiis Dhoofka Xoolaha Iyo Khudaarta Ah La Saxeexday Dalka Urdun
December 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waddamada Sucuudiga iyo Urdun ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ganacsi oo dhigaya in dalka Urdun u soo dhoofiyo dalka Sucuudiga noocyo ka mid ah Xoolaha nool iyo Khudaarta, xilli Sucuudigu xayiraad kusoo rogoy dhoofka Xoolaha nool ee Soomaalida.
Safiirka Dalka Sucuudiga u fadhiya dalka Urdun, Fahd Ibn Abdirahman Zeyd ayaa sheegay in arbacadii toddobaadkii hore Boqortooyada Sucuudigu la saxeexatay Boqortooyada Urdun, heshiis u oggolaanaya inay u soo dhoofiso Adhiga iyo Baradhada dalka Sucudiga, taasi oo ka dambaysay markii ay Dawladda Ciraaq joojisay, tamaandhadii ay ka heli jirtay dalkaasi.