berberatoday.com
SWEDEN: Xog-warranka Gabadh Laba Sannadood Kiristaan Ahayd Oo Toobad-keentay, Tirada Qoysaska Soomaalida Ah Ee Gaaloobay Iyo Tabaha Looga Saaray Diinta
December 19, 2016 - Written by Berbera Today

Mucjisada la tusay Gabadha Toobad-keentay + Xogta la xidhiidha Soomaalida Kiristaanka noqotay ee Sweden ku nool Iyo khataraha Gaaleysiinta ee Soomaalida Qurbuhu Waajahayaan

 

Sweden(Berberatoday.com)-Waxa sii kordhaya Dedaallada Dadka Muslimiinta ah ee Soomaalidu ka mid tahay Diintooda Islaamka lagaga saarayo isla-markaana lagaga dhigayo Dad Masixiyiin ah oo haysta Diinta Gaalada.

Soomaali badan oo Qoxootinimo ku tagay Dalalka Qaaradda Yurub, ayaa Diintii Islaamka ee ay ku dhasheen ka baxay oo noqday Masixiyiin Qoorta ku xidhan Mucatabka ama Siliska ay ka laalaaddo Calaamadda isku-tallaabta ah ee Masixiiyiinta.

Dalalka Qaaradda Yurub ee Culimadooda Kiristaanku Wakhtiga iyo dedaalka badan geliyeen sidii ay Dadka Muslimka ah uga dhigi lahaayeen Kiristaan waxa ka mid Dalka Sweden, waxaana halkaasi ku nool illaa Labaataneeyo Qoys oo Soomaali ah, kuwaasi oo Qoxootinimo ku tagay halkaasi iyagoo Muslimiin ah, laakiin markii dambe noqday Kiristaan, sida ay sheegtay Haweenay lagu Magacaabo Hodan Subeer Aadan oo Laba Sannadood ahayd Kiristaan, hasa-yeeshee Laba Toddobaad ka hor ku soo laabatay Muslimnimadeedii hore, ka dib markii la tusay Mucjiso Rabbaani ah.

Hodan Subeer Aadan oo lagu Wareystay Barnaamij Si Toos ah looga Tabiyo Internet-ka oo Magaciisu yahay DAACI SHOW, ayaa ka warrantay sidii ay markii hore ku noqotay Kiristaanka, Qoysaska Soomaalida ah ee Kiristaamoobay iyo sida ay ugu soo laabatay Diinta Xaniifka ah ee Islaamka.

Haweenaydan oo uu Wareystay Sheekh Xuseen oo ah soo saaraha Barnaamijka DAACI SHOW, ayaa iyada oo arrimahaa naxdinta leh ka warramaysa waxay tidhi, “Waxaan ahaa Qof Muslim ah, oo Muslimnimo ku dhalatay, oo Qoys Culimo ah ka soo jeeddaa. Waxaan Dalka Sweden  ku tagay Qoxootinimo muddo dhawayd, anigoo ku jira Xero-qoxooti ayaan waxaan la kulmay Gabadh Soomaaliyeed oo Kiristaan ah, waxay iiga sheekaysay Diinteeda, waxayna i siisay Baybal (kitaab) oo ay ku qoran tahay Kitaabka Qudduuska ah oo Af-Soomaaliya. Waxaan ku jiray Xero-Qoxooti oo Qof shaqo kale qabanayey ma ahayn, markaa waxaan Akhriyey Buuggii oo wakhti badan baa geliyey, markii hore waan ka dhibsanayey waxyaabaha ku qoran, laakiin markii dambe Shaydaankaa ii nuuriyey oo waxaan arkay anigoo ku raaxeysanaya.”

Haweenaydani waxay sheegtay in marka laga yimaaddo Baybalka Af-ka Soomaaliga ku qoran ee la siiyey ay u iman jireen Dad Soomaali-kiristaan ah oo Tashkiilin jiray, “Dad baa ila kulmi jiray Sweden u dhashay iyo Dad Soomaaliyeed oo Kiristaan ah oo i Tashkiilin jiray. Markii hore waan ka baqayey inaan Diinteyda Islaamka ka baxo, laakiin markaan arkay Qoysas Soomaali ah oo illaa labaatan ah oo Kiristaan ah oo meelo ku wada shiraya ayaan ka tagay Islaamka.” Ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay iyadoo ka warramaysa Waxyaabo mucjiso ah oo Hurdada lagu tusay,  “Maalin Axad ah ayaan ka imid Kiniisadda, dabadeedna waan seexday, waxaan arkay iyadoo la i cadaabayo, hurdada ayaan ka soo booday, Baybalka ayaan akhriyey oo Hurdada ayaan ku noqday, haddana sidii oo kale ayaan arkay iyadoo la i cadaabayo, hurdada ayaan ka soo booday Anigoo ooman, dabadeedna biyo badan ayaan cabbay, markii Saddexaad ee aan seexday ee wixii oo kale arkay ayaa la igu yidhi ma taqaanaa Suuratul Ikhlaas (Riyada dhexdeeda), laakiin Mar keliya Qalbigeyga kuma soo dhicin ILAAHAY, ee waxaan ku qaylinayey ‘iga saara Cadaabta’, laakiin markii dambe ayaan ku qayliyey ILAAHAYOOW I CAFI, waanan Ashahaatay, waxaanan akhriyey Qul-huwallaha, haddana waxa la igu yidhi maxaad ILAAHAY igu Shariig-yeeshay. Dabadeedna Hurdada ayaan ka kacay oo waxaan is idhi yaanad sidan ku dhiman ee Cid Muslim ah oo Ashaadda ku qabata raadso, waxaana Ashahaadada ii qabtay Hablo Soomaali ah oo ku jiray Guri igu dhow.”

Hodan Subeer Aadan oo ooyeysa, ayaa baaq u dirtay Qoysaska Soomaalida ah ee qaatay Diinta Kiristaanka, “Waxaan leeyahay Dadka Soomaaliyeed ee Sweden jooga ee Kiristaanka ah waynu is wada ognahay ee ILAAHAY u soo laabta tawbaddu way furan tahaye.”ayay tidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews