“Waa In Doorashooyinku Wakhigoodu Ku Qabsoomaan”Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar –
December 19, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Ganacsiga Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo muddo dalka ka maqnaa,shalayna dib ugu soo laabtay, ayaa ku taliyay in doorashooyinku wakhtigooda ku qabsoomaan.
Md. Maxamed, oo shalay la hadlay Geeska Afrika, wuxuu isagoo doorashooyinka ka hadlaya uu ydihi “Doorashooyinku marar badan ayey dib inooga dhaceen, in mar dambe dib inooga dhacaana inooma wanaagsan, ee Doorashada Madaxtooyada oo ku beegan bisha saddexaad ee sannadka soo socda in lagu qabto wakhtigaas ayaan soo jeedinayaa, waxaana Doorashada u xilsaaran oo qaranka uga masuul ah Guddida Doorashooyinka oo masuuliyadda kowaad saaran tahay ee waxaan leeyahay Guddida Doorashooyinka si aanay mar dambe Doorashadana dib u dhac aanu uga iman ku qabta wakhtiga loo cayimay”.