berberatoday.com
“Waxaan Idin Leeyahay (Habar-jecloy) Muuse Biixi Iyo Kulmiye Shuruud La’aan Ku Taageera Anigana Sidaas Ayaa Igu Og Tihiin”Wasiirkii Hore Ee Khaarijiga Ee Dawladii Udub Cabdilaahi Maxamed Ducaale
December 19, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeisa(Berberatoday.com)-Wasiirkii Hore arrimaha Debedda Dawladii Daahir Rayaalle Kaahin Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaalle  ayaa Cadeeyay Cida uu taageerayo iyo meesha Xilligan uu Gogosha dhiganayo Cabdilaahi oo marar badan Saxaafadda qaarkeed sheegeen in Xisbiyadda mucaaridka ah uu u janjeedho ayaa dhayda ka cadeeyay halka uu u socdo iyo Cida uu is leeyahay Hogaanka dalkan wuu Qaban karaa.
Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaale oo tan iyo markii uu Xilka Wasiirka arrimaha debedda Wareejiyay Bishii September Sanadkii 2010 ayaan lagu arag Saaxada Siyaasada iyo Mareegaha Saxaafada wuxuuna ka gaabsaday inuu Siyaasada Somaliland soo hungureeyo isagoo u shaqo tegey Dalalka deriska iyo iyo Xarunta Midowga afrika oo uu shaqooyin Fiican ka helay Wuxuuna deganaa mudooyinkii Dambe Magaaladda addis ababa ee Xarunta dalka itoobiya oo Saaxiibo badan uu ku leeyahay.
Haddaba 15/12/2016 ayuu Mudane Cabdilaahi maxamed Ducaalle dhayda ka cadeeyay isagoo ku sugan magaalada hargeysa Cida uu taageerayo iyo Xisbiga uu u arko in Siyaasadiisu dalkan faa’iido u tahay wuxuuna arintaa ka sheegay Hadhimo sharafeed loo Sameeyay Siyaasiyiin,Aqoon Yahan iyo Masuuliyiin Magac leh oo ka tirsan Beelweynta Habar Jeclo Kuwaas oo ka kala yimi Dacalada Dunida Sida Ameerika,Yurub Carabaha iyo Afrika Waxaana ku jiray Wasiiro Hore Xubno u Shaqeeya Hay’adaha Qaramada midoobay oo ka yimi Daarfuur Suudaan iyo Abuja Ayfarikoos.
Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaalle oo ereyo Kooban Hadhimo-Sharafeedkaa ka jeediyay ayaa ku Dheeraaday Siyaasada iyo Siyaasiga Suubani kuu yahay iyo Marxalada Xilligan wixii lagaga bixi lahaa.
“Ugu Horayn waan idin salaamay waxaan filayaa in qoorweyntii iyo Siyaasiyiintii beesha qaar ka midi halkan fadhiyaan aniga muddo layma arag Xumaana kumaan maqnayn Maantana waxaan jeclaystay halka reerku isku raacay ee horena ay u ahaayeen inaan kula shaqeeyo idinkuna hambalyeeyo, Madaxweynuhu Wuxuu inoo sheegay inaanu musharax ahayn laakiin Cid buu farta innoogu fiiqay Cidaasi waa Muuse Biixi Isagaynu la shaqaynaynaa dhisaynaa garab taaganahay (Waar saw Sidaa maaha).
Mudane Cabdillaahi aya sidoo kale soo hadal Qaaday isku Xidhka iyo Midnimada Beesha uu ka soo jeeddo iyo Guud ahaan Somaliland.
“Anigu Dhegna Dhulkaan ku Hayey ta kalena xaalada dalkaan kula socday Wixii Hore ha la ilaawo Gacmaha ha lays qabsado halkaa madaxweynuhu farta innoogu fiiqayna aynu si lilaahiya oo dhaba hiil iyo hooba u siino Midnimada Somaliland aynu adkayno Maanta la Xisaabtami mayo Aniguna idinla Xisaabtami mayo idinkuna I xisaabin maysaan,Hadalo Badan baa jiray beryihii Dhexe Waxaan idin leeyahay Muuse Biixi iyo Kulmiye Shuruud la’aan ku taageera Anigana Sidaas ayaa igu og tihiin inaan garab istaago lana shaqeeyo.
Hadalkan Wasiir Cabdillaahi Maxamed Ducaalle ayaa ku soo beegmaya iyadoo maalmihii u dambeeyay warbaahinta qaar qoreen in Xubno ka tirsan Xisbiga Mucaaridka ee WadaniSheegeen Cabdilaahi Wada hadal hoose kula jiro Xisbiga Wadani, Balse Arintaa waxa beeniyay Cabdillaahi Maxamed Ducaalle oo Dhayda ka cadeeyay Maadaama uu soo rogaal celiyay Cida ay isla jaanqaadi karaan ee Dhiigooda markii la shaybaadhay Somalilandnimadu Biyo Dhigtay Kuwaas oo ah Xisbiga Kulmiye iyo Hogaankiisa.
Mudane Cabdillaahi Maxamed Ducaalle ayaa ka mid Noqonaya Siyaasiyiinta Misaanka Culus ku leh Qaranka Dalka iyo Dadkiisana u Daacada ah ee ku Soo biiraya maalmihii u dambeeyay Xisbiga Kulmiye oo Maalmahan Shamaciisu Shidan yahay Neecawda Siyaasuna Xagiisa u Janjeedhsatay Maadaama uu Musdambeed u Yahay Siyaasi Ruug Cadaaya Hogaamiyaha Qarankan Barakaysan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Xisbigu ku Socdo Taladiisa iyo Tusaalihiisa.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews