berberatoday.com
“Dalka Waxaa Ka Jirta Abaar Ay Dawladu Abuurtey , Abaar Iyo Olalena Isma Qabtaan ” Siyaasi Ibraahim Dhego Weyne Oo Xukuumada Dhaliilay”Daawo Muuqal
December 20, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Siyaasi Ibraahim Cabdilaahi Xussen (Muj.Dhego Weyne) oo ka mid

 ah mujaahidiintii dalkan u soo halgantey ayaa waxa uu si adag u dhaliilay xukuumada Somaliland oo uu ku sifeeyey in ay taakuleyntii abaaraha kaga mashquushey olale aan xiligiisii la gadhin .

Image may contain: 1 person, beard and text

 

 

Muddane Dhego Weyne oo wareysi siiyey telefishanka HCTV waxaa uu sheegay in abaartan dalka ka jirtaa ay tahay mid ay dawladu abuurtey iyo mid alleh SWT uu keenay isaga oo xusay in aanay wax is qabta aheyn abaar iyo olale

“Habeen dhaweyd waxaan maqlaayey dadweynihii oo cabadaya oo leh abaar waxa ina haysa ay dawladu abuurtey oo sicir barar ah iyo abaartii ilahay , ilahay abaraahas ha inaga soo jabiyo isaga ayaa gacan weyne , lakiin se abaar iyo olale isama galayaan ” ayuu yidhi Muj Ibraahim Dhego weyne .

Dhinca kale Muj Ibraahim Dhego wayne waxaa uu sheegay in siyaasidii arimaha dibada Somaliland uu  gaabis weyni ka muuqdo isla markaana beeshii calamku ay tix galin siisiyo xisbiyada mucaaridka iyo shaqsiyaad gaar ah

“Siyaasadeenii arimaha dibada gondoloolo badan ayaa ka muuqda , walahi taasi waa xisbiye qaar aan xisbi aheyn ayaa lala shirayaa , waxaana meesha ka baxday kalsoonidii dawalda lagu qabey ” ayuu yidhi

Gabo gabadii Muj Ibraahim waxaa tilmaamay in uu walaac xoogan ka qabo in ay doorasho dib u dhac ku yimaado isaga oo ku baaqay in arintaasi laga tashado

” Waa in la helaa doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kala baxo , hadii la waayana ha laga tashado oo waxa laga tashanayaa in aanay waxba dhaceen ayaan arkaa ,eeda dib u dhaca doorashadana waxaa masuulyadeeda leh dawlada oo looma sina ” ayuu hadalkiisii ku soo koobay Muj..Ibraahim dhego weyne

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews