“Cabdiraxmaan Cirro Ha Kala Doorto Musharaxnimada Iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada”Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Xasan Gaafaadhi
December 20, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland ahna Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Waddani usoo jeediyay inuu kala doorto Kursiga Golaha wakiilada iyo Musharaxnimadiisa, maaddaama doorashadii madaxwaynaha ay ka hadheen Saddex Bilood oo kaliya.
Afhayeenka Xisbiga Kulmiya Xasan Gafaashi oo wareysi Siiyay Star Tv ayaa sheegay in Guddoomiye Cabdiraxmaan u diyaar garoobo tartanka Doorashada Madaxtooyada islamarkaana uu baneeyo Kursiga Golaha wakiilada.
“Cabdiraxmaan Cirro Saddex bilood ayaa ka hadhey doorashadii ee kala doorto Musharaxnimada iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada”ayuu yidhi Xasan Gaafaadhi waxaanu intaasi ku daray “Xisbiga Kulmiye waa u diyaar doorashada ee Cabdiraxmaanoow adiguna diyaar noqo”