berberatoday.com
Waddani Oo Cambaareeyay Jidh Dil Ay Sheegeen In Loo Gaystay Xoghayihii Cadaaladda Xisbiga
December 20, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga Mucaaridka Waddani ayaa cambaareeyay jidh dil ay sheegeen in habeenkii xalay loo gaystay Xoghayaha cadaalada Xisbiga mucaaridka ee Waddani Barkhad Jaamac Batuun.

Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani Maxamed Sidiiq Dhame, ayaa warbaahinta u sheegay in falkaasi lagula kacay Xoghaye Barkhad ay fadeexad ku tahay tartanka siyaasada xisbiyada Somaliland.

Waxaa uu sheegay in masuulkaasi lagula kacay cunsuriyad iyo cay loo gaystay isagoo maraya agagaarka Misaajidka Ibraahim Dheere ee Magaalada Hargeysa “Falkaasi waxaa uu dhaawaca tartan siyaasada madaxa banaan ee Somaliland”ayuu yidhi Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga Waddani.

Xoghaye Barkhad oo Xalley barta uu ku leeyahay qoraal kooban ku baahiyay waxaa uu sheegay “Alx, Alle ayaan mahadinayaa sidaad rabteen ka dhigi waayey quwad iyo qawl nacasyo kaste aan isaga celiyo Alle waa I siiyey labaad soo dirteene 10 ka dhiga bal inaan xaqa ka aamuso. Hargeysa waynu wada joognaa shilin ima gooyo runtana kama baqo tanna I cabsi galin mayso hortiin jiraba igu daal. Waan lugeeyaa waanan lugeynayaa waa ino hargeysa weyn caawa calafkeeni kala qaadnay wixii idin gaadhay iyo waxaad ila rabteen.”

Xoghayaha cadaalada Xisbiga Waddani waxaa marar hore sidan oo kale uu sheegay in falal jidhdil ah loogu gaystay magaalada Hargeysa isagoo falkani aanu noqonayn kii ugu horeeyay ee lagu brtilmaameedsado masuulkani.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews