berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Musharax Ciro Oo Si Adag Uga Hadley Dhaawac Loo Geystay Sarkaal Ka Tirsan Xisbiga Waddani , Fariina Hawda U Mariyey Laamaha Amniga
December 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro waxaa uu si adag uga hadley dhawaac loo gaystay Siyaasi Barkhad oo ka mid ah saraakiisha xisbiga Waddani .

 

Musharax Cabdiraxmaan Ciro waxaa uu sheegay in Barkhad sababta dhaawaca loogu gaystay in ay tahay sababma ayaad fikirkaaga u cabirtey isla markaana u dhaliisha xukuumada iyo xisbigeeda Kulmiye

Muddane Ciro waxaa uu laamaha amniga oo uu ugu horeeyo taliyaha ciidanka Booliska Somaliland ka codsadey in faah faahin buuxda laga siiyo cidii ka danbeysa falkaas

“Halkan waxaa i agtaagan xoghayihii cadaalada ee xisbiga Waddani , wajigiisa waad arkeysaan oo nabaro ayaa ka muuqda nabaradaas na waxaa uu ku muteystay i uu hadley oo fikirkiisa cabiray isla markaana mowqifkii xisbiga cadeeyey .

Sida la sheegaya inamadii nabarada u geystay waxaa ay lahayeen maxaa laga siyaa xisbiga Kulmiye iyo xukuumada Kulmiye , waxaanu dooneysaa in ciidanka Booliska iyo masuulyiinta arimaha nabad galyadu in ay arintaasi si buuxda u baadhaan ayuu yidhi

Sidoo kale musharaxa oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi ” waxaa aynu maalin dhaweyd ogeyn in warar been ah lagu xidhay saraakiil ka tirsan xisbiga Waddani , lakiin dadka xisbiga Waddani wax yeela iyaga cidi ma soo qabato markaas waxaanu ka codsaneynaa xukuumada gaar ahaan ciidanka Booliska iyo ciidanka danbi baadhista arintaas in anaga war bixin la naga siiyo ” ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey musharax Cabdiraxmaan Ciro

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

https://youtu.be/Om8s4Og9i98

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews