berberatoday.com
Maydka Nin Dhawaan Weerar Ku Qaaday Masjid Somalidu Ku Tukato Magaalada Zurich Oo Laga Helay Buundo Tareenadu Dulmaraan
December 21, 2016 - Written by Berbera Today

Zurich(berberatoday.com0-Nin toogasho ku dhaawacay saddex qof oo ku jiray masaajid Islaami ah oo ku yaal magaalada Zurich ee dalka Switzerland ayaa meykiisa laga helay meel wax yar u jirta masaajidka.

Waxaa lagu sheegay inuu ahaa 24-jir u dhashay Switzerland oo loo doonayay dil ka dhacay agagaaraha magaalada Zurich maalintii Axaddii.

surij

Ninka weerarka geystay waxaa uu rasaas ku furay masaajid Soomaalidu ku leedahay meel u dhow saldhigga tareennada ee magaalada Zurich.

Meydkiisa iyo qori ayaa mar dambe lagu arkay buundo meeshaas u dhow hoosteeda. Boliisku waxay xaqiijiyeen inuu ahaa ninkii weerarka geystay.

Boliisku waxay sheegeen inuusan ninkaasi dableyda ahaa wax xiriir ah la lahayn jihaad isla markaana aanay fahmin sababta uu uu u doortay inuu masaajidka weeraro. Waxay weriyeyaasha u sheegeen in dhallinyaranimadisii lagu xukumay dagaal u galay iyo mootooyin uu dhacay, gurigiisana ay ka buuxeen alaabooyin la xiriira tuuganimadaas.

DNA laga qaaday ayaa la mid noqotay raadad laga helay goobtii uu toorreyda ku dilay fagaare kubbadda lagu ciyaaro ee deegaanka Schwamendingen, oo woqooyi kaga beegan magaalada Zurich, maalintii Axaddii.

Warbaahinta dalkaasi waxay sheegtay in ilaa 10 qof ay masaajidka ku jireen markii uu ninka hubaysan dhismaha soo galay, isagoo xiran dhar madow iyo koofiyad dhogor ka samaysan.

Saddexda nin ee weerarkaas ku dhaawacmay oo da’doodu kala tahay, 30 jir, 35 jir, iyo 56 jir, waxaa lagu daweeyay isbitaal waxaana la sheegay in xaaladdoodu deggan tahay, sida ay boliisku sheegeen maanta.

Dadka masaajidka ku cibaadeysta waxay u badan yihiin dad ka yimid Soomaaliya, Eritrea iyo Waqooyiga Afrika.

Mid ka mid ah dadka halkaas ku tukada waxaa uu warbaahinta dalkaas u sheegay inay dadku aad u baqayaan.

“Carruurteenna ayaa dhammaadka toddobaad walba masaajidka timaad . Laakiin hadda ma hubo inaan halkan nabadgelyo ku haysanno,” ayuu yidhi.

 

 

Souec BBC

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews