Qaraxyo Ka Dhacay Dalka Mexico Oo 29 Qof Ay ku Dhinteen
December 21, 2016 - Written by Berbera Today
Mexico(Berberatoday.com)-Qaraxyo is xigxigay oo aad u badan ayaa waxay ka dheceen suuq ku yaalla duleedka caasimadda dalka Mexico.
Suuqa ayaa lagu iibiyaa rashka iyo baaruud xilliyada dabaaldegyada la adeegsado. Maamulka dalkaasi wuxuu sheegayaa in ugu yaraan 29 qof ay ku dhinteen.
Sidoo kale, tobannaan qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxyada.
Muuqaal la yaab leh oo si toos ah TV looga baahiyay ayaa muujinayay sida uu ku bilowday dab qabsaday qeyb ka mid ah suuqa.