berberatoday.com
Raysal Wasaare Ku-Xigeenka Dalka Jordan Oo Booqasho Ku Tagay Muqdisho.
December 22, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Waddanka Jordan, Dr. Jawaad Al-Anaani oo booqasho ku yimid Soomaaliya,

isagoo soo gaadhsiiyey Madaxweynaha dhanbaal uu uga siday Boqorka Jordan, Abdalla II Ibn Al-Hussein. Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa soo dhaweeyay booqashada Ra’iissl Wasaare Ku Xigeenka uu dalka ku yimid, isagoo ka guddoomay dhambaal uu ka siday Boqorka Jordan.

Xaasan sheekh iyo raysal wasaaraha jordan

Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Jordan, ayaa dhinaciisa aad ugu farxay soo dhoweyntii loogu sameeyey Soomaaliya, isagoo ka warbixiyey sida boqortooyada Jordan ay u daneyneyso xoojinta iyo iskaashiga xiriirka Soomaaliya ay la leedahay.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo la hadlaayay Jawaad Al-Anaani, ayaa yiri “Soomaaliya iyo Jordan waa laba dal oo walaalo ah oo leh xiriir dheer oo qoto dheer, booqashadaada Muqdisho iyo dhambaalka Boqorka Jordan waxay na tusineysaa sida Jordan ay uga go’antahay taageerada shacabka iyo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Waxaan kaaga mahadcelinayaa booqashadaada taariikhiga ah ee aad Muqdisho ku timid iyo gaar ahaan dhambaalka Boqorka Jordan, Abdalla II Ibn Al-Hussein. Sidoo kale iga gaarsii dhambaal kaa la mid ah iyo in Soomaaliya ay marwalba diyaar u tahay xoojinta xiriirka wallaaltinimo ee labada dal.”

 

Madaxweynaha Sooaaliya, ayaa ugu dambeen sheegay in la joogo waqtigii uu bilaaban lahaa dedaalka Jordan ay uga qayb qaadaneyso horumarka iyo dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca maashaariicda wax soo-saarka iyo adeegyada kale. Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa salaan u diray Boqorka Jordan, isla markaana ballan qaadey in Soomaaliya ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka tooska ah ee ka dhaxeeya labada dal.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews