Dawlada Jaban Oo Saxeexday Miisaaniyadii Ugu Badneed Ee Abdi Loo Isticmaalo Dhanka Gaashandhiga Iyo Qadarka Lacagtaasi Ay Leegtahay + Sababta Kaliftey
December 23, 2016 - Written by Berbera Today
Jaban(Berberatoday.com)-Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Shinzo Abe ayaa sixiixay miisaaniyaddii ugu badnayd abid ee dhanka gaashaandhigga loo adeegsanayo, iyadoo ay jiraan muranka dhanka xadka ah ee Shiinaha kala dhexeeya iyo halista kale ee Nukliyeerka iyo gantaallada Kuuriyada Waqooyi.
Kharashaadka loo adeegsanayo diyaaradaha dagaalka iyo maraakiibta dagaalka ee quusa ayaa qayb ka ah kordhinta lagu samaynayo miisaaniyadda.
Miisaaniyadda gaashaandhigga loo kordhiyay ayaa ah 1.4 taas oo ka dhigaysa 43.6 bilyan oo doolar.