Dawlada Jabuuti Oo Qaxoonti Dib U Celineysa Iyo Dalalka Ay Ka Soo Jeedan Qaxoontigaasi
December 23, 2016 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Hay’adda dawladda Djibouti u qaabilsan arimaha qaxootiga ayaa ku guda jirtay beryahan hawlo dib loogu celinayo dalkooda dad qaxooti ah oo deganaa xeryo ku yaalla Djibouti, iyo dad kale oo tahriib ahaa oo laga so celiyey dalka Yaman, kuwaas oo la soo marsiyey Djibouti.
